Zlatan Ibrahimovic Oo Badbaadinta Jose Mourinho Ugu Soo Laabanaya Manchester United

Xiddiga sii weynaanaya ee Zlatan Ibrahimovic  ayaa la sheegay inuu si lama filaan ah ugu soo laaban doono garoonka Old Trafford, isla markaana uu u ciyaari doono mar kale ka hor inta aanu si ramsi ah uga fadhiisanin gebi ahaanba ciyaaraha.

Zlatan Ibrahimovic oo ay dadiisu tahay 37 jir ayaa mar kale afka hore ee weerarka uga ciyaari doona Man United oo la dhibaatoonaysa marxalad ay ku adkaatay dhalinta goolashu oo Romelu Lukaku uu sameeyey hoos u dhac weyn.

Sida ay sheegtay warbaahinta ESPN, xiddiga kooxda LA Galaxy ayaa qaab amaah ah ugu soo laaban doona Man United badhtamaha xili ciyaareedkan marka uu fasaxa galo horyaalka MLS ee dalka Maraykanku, isaga oo raaci doona dariiqii Landon Donavan iyo Thierry Henry ay ugu soo laabteen Everton iyo Arsenal waqtiyadii ay ka ciyaarayeen dalkaas.

Ibrahimovic ayaa maalmo ka hor warbaahinta u sheegay in tababare Jose Mourinho uu ka bixi doono dhibaatada haysata kooxdana uu kusoo celin doono dariiqii guusha.

Xiddiga reer Sweden oo Jose Mourinho ay kasoo wada shaqeeyeen Inter Milan iyo AC Milan ka hor intii aanay Man United iskugu imanin oo uu dhaliyey 29 gool 53 kulan oo uu u ciyaaray, isaga oo kula guuleystay Europa League iyo League Cup.

[irp posts=”161434" name=”Zlatan Ibrahimovic Oo Si Kaftan Ah Uga Jawaabay Wararka La Xiriirinaya Kooxda Ac Milan.”]