Zinedine Zidane: Champions League Waxaa Ku Guuleysaneysa……….

Zinedine Zidane ayaa taageero u muujiyay Paris Saint-Germain kahor final-ka Champions League oo ay la ciyaarayaan Inter Milan.

Ciyaarta kama dambeyska ah ayaa ka dhici doonta 31-ka May magaalada Munich.

Markii la weydiiyay haddii uu daawan doono ciyaarta, Zidane ayaa ku jawaabay:

“Haah, dabcan waan daawanayaa. Inkastoo aan kasoo jeedo Marseille, haddana waxaan u maleynayaa in kooxda Faransiiska ay tahay inay guuleysato,” ayuu yiri Zidane oo la hadlayay Canal+.

Tababarihii hore ee Real Madrid iyo xiddigii hore ee Juventus, oo guulo waaweyn la gaaray xulka France – oo ay ku jiraan Koobka Adduunka iyo Euro – ayaa si cad u taageeray PSG final-kan.

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football