YAAB! Guushii Manchester United Ka Gaadhay Juventus Oo Faa’iido U Noqotay Chelsea – Akhriso Waxa Isku Xidhiidhiyey Saddexda Kooxood

Chelsea ayaa faa’iido ka heshay ciyaartii Manchester United xalay kaga adkaatay Juventus ee tartanka Champions League, taas oo ku dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday United oo marti ahayd.

Blues oo xagaagii magacowday tababaraha Talyaaniga ah ee Maurizio Sarri ayaa waxa uu ka dhigay kooxdiisa midda kaliya ee aan dhinaceeda dhulka la dhigin xili ciyaareedkan dhamaan tartamada kala duwan ee ay ku jirto, waxaanay ka sare martay laba kooxood oo rikoodhkaas kula dagaallamayey.

Juventus oo aan hal mar laga badinin dhamaan tartamada, ayaa waxa xalay qabatay Manchester United oo weliba si xun uga adkaatay waqtigii dhimashada, waxaana habeenkii Salaasadii sida Juve oo kale rikoodhka guul-darro la’aanta looga jabiyey Borussia Dortmund oo ku naaloonaysay guul-darro la’aan sabab u noqotay inay hayso hoggaanka horyaalka Bundesliga, sidoo kalena Atletico Madrid bishii hore 4-0 ku khaarajisay ka hor intii aan toddobaadkan lagaga aargoosanin 2-0.

Guul-darrada Juventus iyo Borussia Dortmund, waxay meel bannaan oo kaligeed ah dhigeen Chelsea oo hadda ah kooxda kaliya ee shanta horyaal ee waaweyn iyo tartamada Yurub aan mar kaliya laga badinin, waxaana rikoodhkaas ka caawiyey macallinkoodii hore ee Jose Mourinho oo ka jabiyey Juve oo ku haysan lahayd rikoodhkan.

Horyaallada Premier League, Serie A, LaLiga, Ligue 1 iyo Bundesliga, dhamaan kooxuhu waxay dhadhamiyeen guul-darrooyin marka laga reebo Chelsea, taasna waxa mahaddeeda leh tababare Sarri oo isbeddel cajiib ah ku sameeyey Blues tan iyo markii uu xilka kala wareegay Conte oo ka hor bilowga horyaalka shaqada laga caydhiyey.

Chelsea oo dhinaca weerarka ka dhibaataysan isla markaana Alvaro Morata iyo Olivier Giroud aanay la imanin goolashii laga filayey ayaa haddana waxay awood u yeelatay inay noqoto kooxda kaliya ee aan hal mar laga badinin.

 

4 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. Wllyl gacnta idinma daasho miyaa hda mp iga cunteen wr aan oghy neh waa aqristi plz wax muhiim.soo qora

  2. Chelsea waa koxda ugu xoga wayna ee adunka
    waxna kumahadsaan sarri
    woman utd haska qabtan man city

  3. Hhhhh iyadu ma championbay ciyaaraysa uefay ku jirtaaye teeda kale man united iyadaba way Ka badisee 7 minit ayaa loogu daray xaqdaro awgeed iyadoo man ku garaaci lahay 2:1 morinio siidhi walayaasha xaasida hada waa tababaraha chalengiga special one me fa kale Chelsea juve lama awood aha waa laga badinayaa liiga ileen koob kaloo nag leh ma ciyaarYse man unitedna siidhiga Ka bad baadiyay garoonkeeda lagu garaace

Comments are closed.