Xulalka Illaa Iyo Hadda Usoo Baxay Koobka Adduunka Ee 2026 Oo La Shaaciyay

Waxaa si weyn u socda tartanka is-reebreebka Koobka Adduunka ee la qaban doono sanadka dambe, iyadoo xulal badan ay dagaal ugu jiraan inay helaan booska ka qeybgalka tartanka ugu weyn kubadda cagta.

Illaa iyo haatan, 13 xul ayaa si rasmi ah ugu soo baxay Koobka Adduunka 2026.

Saddexda waddan ee martigelinaya tartanka – Mareykanka, Kanada iyo Mexico – ayaa si toos ah ugu soo baxay, maadaama ay yihiin dalalka qabanaya koobka.

Xulalka kale ee iska xaadiriyay tartanka ayaa kala ah:

Japan

New Zealand

Argentina

Iran

Uzbekistan

South Korea

Jordan

Australia

Brazil

Ecuador

Xulalkan ayaa dhammaantood xaqiijistay inay qeyb ka noqon doonaan Koobka Adduunka ee lagu qaban doono Waqooyiga Ameerika sanadka 2026, iyadoo tartanka la filayo inuu noqdo mid rikoodhyo cusub jebiya.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football