XOG: Xaqiiqooyinkii & Rekoodhadii, Qiimaynta Ciyaartoyda Liverpool & Bournemouth Iyo Xidigii Garoonka Oo Abaal Marintii Diiday.

Liverpool ayaa fariin culus u dirtay kooxaha ay koobka Premier league kula tartamayso kadib markii ay 4-0 ku soo xasuuqday kooxda Bournemouth oo ay waliba marti u ahayd waxayna guushani Reds ka caawisay in ay kaalinta kowaad ku sii fadhiisato inta aan la ciyaarin kulanka muhiimka ah ee Stamford Bridge ku dhex mari doona Man City iyo Chelsea.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa min bilaw ilaa dhamaadkii ciyaarta awooda sare ka haysatay Bournemouth iyada oo Mohamed Salah uu saddexleydiisii labaad ee Liverpool uu kulankan ka dhaliyay. Liverpool ayaa yeelatay 42 dhibcood kadib markii ay ciyaartay 16 kulan oo ayna midkoodna soo guuldaraysan.

Haddaba waxaanu halkan idiinku haynaa qiimayntii ciyaartoyda kooxaha Liverpool iyo Bournemouth si la mid ah xaqiiqooyinkii laga diwaan galiyay kulankan iyada oo Liverpool dhigtay taariikhdii abid ugu fiicnayd ee ay ka samaysay horyaalka heerka kowaad ee England.

XIDIGII GAROONKA: Mohamed Salah ayaa noqday xidigii garoonka ugu fiicnaa kadib markii uu burburiyay kooxda Bournemouth isla markaana uu soo bandhigay qaab ciyaareedkiisii xili ciyaareedkan ugu fiicnaa. Salah ayaa halis joogto ah ku ahaa goolka Bournemouth laakiin waxa uu indhaha ku xaday goolkii saddexaad oo sida uu doonayo ka yeelay Bournemouth.

Dhacdadii Ciyaarta Kadib: Mohamed Salah ayaa iska diiday in uu aqbalo abaal marintii xidiga garoonka ugu fiicnaa wuxuuna sheegay in saaxiibkiisa Liverpool ee James Milner la siiyo maadaama oo uu saftay kulankiisii 500 aad ee Premier league.

Mohamed Salah oo arintan kala hadlay Sky Sports ayaa yidhi: “Anigu ma qaadanayo iyada. Isaga(Milner) ayay kulankiisii 500 aad tahay, maanta wuu u qalmaa, waayo ciyaareed oo layaableh ayuu soo qaatay. Waxaan jeclaan lahaa in aan waahayga ciyaareed ku soo qaadan lahaa kulamo sidan u badan, laakiin anigu ma qaadanayo abaal marinta”.

Mohamed Salah ayaa James Milner u hibeeyay abaal marintii uu ku mutaystay xidigii garoonka ugu fiicnaa isaga oo waliba Milner ugu hambalyeeyay in uu saftay kulankiisii 500 aad ee Premeir League taas oo uu xidiga reer Masar amaan ku mutaystay.

Xidigihii Kale Ee Kulankan Isku Muujiyay

Andy Robertson, Roberto Firmino, Naby Keita iyo Shaqiri ayaa noqday saddexda xidig ee ku soo qiimaynta xidiga Mohamed Salah laakiin ma jiro hal ciyaartoy oo Liverpool ah oo kulankan ku soo bilawday oo ay qiimayntiisu ka hoosayso 7 darajo waxaanad fahmi kartaa sida ay ugu raaxaysteen kulankan.

Xidigihii Ku Ceeboobay Kulankan:

Cook oo iska dhaliyay goolkii saddexaad ee Liverpool ayaa noqday xidiga ugu qiimaynta liita kaas oo helay 3 darajo oo kaliya lakaiin ma jiro hal ciyaartoy oo Bournemoth ah oo ay qiimayntiisu gaadhay 6 darajo taas oo muujinaysa sida ay Liverpool u karbaashtay kooxda ay martida u ahayd.

Qiimaynta Ciyaartoyda Liverpool iyo Bournemouth:

Bournemouth: Begovic (4), Francis (5), Cook (3), Ake (5), Daniels (5), Lerma (4), Surman (5), Brooks (5), Stanislas (5), Fraser (5), King (5)

Badalkii: Mousset (5), Mings (NA), Rico (NA)

Liverpool: Alisson (7), Robertson (8), Milner (7), Matip (7), Van Dijk (7), Fabinho (7), Keita (8), Wijnaldum (7), Shaqiri (8), Salah (9), Firmino (8)

Badalkii: Mane (6), Lallana (6), Henderson (6)

Halkan hoose ee 2 Riix si aad xaqiiqooyinka iyo rekoodhada u akhrisato.