XOG: Saddexdii Arrimood Ee Sababay Inay Barbar-dhac Ku Dhamaato Ciyaartii Xalay Ee Man United vs Arsenal – Miyuu Garsooruhu Qayb Ka Ahaa?

Sidii hore loo saadaaliyey, Manchester United guul-darro kama soo gaadhin gurigeeda ciyaartii ay xalay ku qaabishay Arsenal balse may ahayn natiijo ay ku qanceen jamaahiirta maadaama ay hal dhibic kaliya ka heleen ciyaar ay garoonkooda joogeen xili ay kaalinta siddeedaad ee kala sarraynta kooxaha ku jiraan.

Gunners waxay kulankan ku diiwaangashadeen taariikh ay raadinayeen 11 sannadood, waana in aan mar kaliya laga adkaanin 20 ciyaarood oo xidhiidh ah dhamaan tartamada, xalayna waxay muujiyeen inay u qalmayeen guusha iyo waliba niyad samaan badan oo taageereyaasha gashay.

Jamaahiirta Gunners waxay ku qanceen in macallinkooda Unai Emery uu u keeni doono wax weyn maadaama uu bandhig cajiib ah sameeyey labadii ciyaarood ee Tottenham iyo Man United ee iskugu xigay oo uu afar dhibcood ka helay.

Haddaba waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa saddex arrimood oo sabab u ahaa in labada kooxood barbar-dhac ku qaybsadaan dhibcaha, guushuna aanay dhinacna raacin.

Dhaawacyada

Waxay ahayd ciyaar adag  oo xoog iyo jidh ay isticmaalayeen ciyaartoygu, aakhirkiina keentay in ay yimaaddaan dhaawacyo.

Arsenal ayaa ku weyday Aaron Ramsey iyo Rob Holding oo laga saaray garoonka, waxaana dhibatooday Lucas Torreira oo waxyeello soo gaadhay inkasta oo uu kulanka dhamaystay halka Shkodran Mustafi laga dareemayay xanuun iyo inuu u baahan yahay beddel. Dhinaca Manchester United waxa ka baxay Anthony Martial, waxaase jiray laacibiin kale oo jidh ahaan jugu u qabay balse aanu haleelin dhaawac ay u baxaan. Arrintani waxay wiiqday qorsheyaashii labada tababare ciyaarta usoo dejisteen.

Guji 2 si aad warbixinta oo dhan u akhrido

3 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. Kaagan A/Rashid dheeganyow aduu maxaad ka canbanaysa??????? Mida kale waadigan goal kii Lacezzete sax buu ahaa lee mareer arsenal baa tahay??? Horta cida aan wax ka diiday kuna dhaliialay waa ” Admin” ka ama “Editor of this template” Markaa “Shut up” aduu am si daacada u hadal. Takale markad Lecazzete ayaa goal laga diiday aad lasoo cararayso …. Ma maantaa kuugu horaysa “Denied correct goal” waar “world cup” ayaa gacan lagu qaaday million goal oo kale oo iyagoo sax ah la diidayna waa buux, markaa anagu ka hadli mayno goal baa la diiday iyo goal baa la yeelay lkn kan wax qorayaa waa xoolo waliba cadaawad u haya Manchester United… maahana markii ugu horaysay ee uu muujiyo nacaybka uu u qabo waliba tafaqtiristiisa ayaa marwalpa cadayn u ah. Waxa kale een kuu sheegayaa Template kan ama website kan.. kale ama kuwa ka shaqeeya adr iyagay Dani ugu jirtaa oo “promotion” ka hela … sidoo kale hadii adiga ay wax wayn kula tahay “Translating world football news” yadu waxan ku leeyay anaga Raxmaan ka ayaa noo dhib yareeyay”Allahmdlilah” ku darsoo waxa ay bari sii qori doonaan ayaan sii akhrisanaa isagoo af qalaad ku qoran. Markaa imikaan leeyay wax runa sidoo kale hab dhexdhexaada oo hufan akhbaartooda ha u soo dhigaan oo u so qoraan hadii kale iyagay “Luck of promotion” ku habsan doontaa. Adna si indho qabta wax u akhri kan A/Rashid Abdinour sheeganayow hadii kale “Editors ” ka iyo “Visitors” ka ha soo dhex galin ….

  2. Ilburo waa dagaalamee, Tooray maa kuu xiran sxb. adoo kale buskolad iyo wax lamida ma awoodee. maskiinyahow. yarka warkan quruxda badan soo qoray wuu mahadsanyahay lkn waa jiray Khalad weyn oo uu Referee ga uu galay kaas oo ahaa in uu diido daqiiqadii 88 goal kii Lagazzete uu ka dafay Dea waana goal sax ah marka loo fiirsho dhanka sharciga kubdda cagta.

  3. Huhhuhhuh…. . Kulahaa “only Rojo has earned to draw away from the match” Horta maan diidin in cayaartu ay ahayd cayaar xafultan kii soo jireenkii uu aad uga muuqdo,waxa sidoo kale aan cidna mudan ka keenayn in qaladaadku badnaa sidoo kale 80% la filan karaayay card dhadh cas. Iyadoo sidaasi ay jirto hadana kan template kan/web kan wax ku qorqoraya waxad moodaa in tooshkiisa card ka cas la jeclaysigu inu United uun qabtay. Waar xoolaa tahay ee “Mediator” noqo xataa hadaad Naadi taageere u tahay…. waxa hubaal ah in “Red cards” Labada naadiba ay ku sigteen inay gurtaan. Ciyaartoyda” Andre Marriner” uu card ka cas ka badbaadiyay waxa ka mid ahaa S.Mustafi, Marcos Rojo, Lucas Toreiera” Hadaba maxaad ku keentay kan wax qorayow ” Appoint to one Team’s players” waar is hubso. Bullshit.

Comments are closed.