XOG: Rekoodhadii & Xaqiiqooyinkii, Qiimayntii Ciyaartoyda Chelsea & Man City Iyo Xidighii Kulankan Isku Muujiyay.

Tartanka horyaalka Premier League ayaa galay waji cusub iyo xamaasad waali ah kadib markii ay Chelsea awooday in ay guuldaradii ugu horaysay baday kooxda koobka Premier league difaacanaysa ee Manchester City iyada oo kooxda Sarri saddexda dhibcood ka urursaday Sky Blues.

Kulankii Stamford Bridge ayaa ahaa mid  labada kooxood ay midba qayb iska  la ahayd iyada oo Manchester City qaybtii hore iska lumisay fursado fiican oo ay ciyaarta goolal kaga dhalin kartay laakiin qaybtii labaad ee ciyaarta Chelsea ayaa gabi ahaanba qarisay kooxdii guuldaro la’aanta ku soo jirtay ee Man City.

N’Golo Kante iyo David Luiz ayaa Chelsea ka caawiyay guusha muhiimka ahayd ee ay kaga soo kabsatay guuldaradi lama filaanka ahayd ee hore uga soo gaadhay kooxda yar ee Wolves waxayna Chelsea sii adkaysatay kaalinta saddexaad ee Premier league.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qiimayntii ciyaartoyda kooxaha Chelsea iyo Manchester City si la mid ah rekoodhadii iyo xaqiiqooyinkii laga diwaan galiyay kulankii Stamford Bridge.

Xidigii Garoonka: Kabtankii Chelsea ee kulankan ee Cesar Azpilicueta ayaa noqday xidigii garoonka ugu fiicnaa lakaiin waxaa jiri karayay ilaa afar ciyaartoy oo Chelsea ah oo u qalmay in ay noqdaan xidigii garoonka ugu fiicnaa. Laakiin Cesar Azpilicueta ayaa sabab u ahaa in Man City ayna qaybtii hore helin ugu yaraan hal gool.

Cesar Azpilicueta ayaa Sane ka beeniyay gool cadaan ahaa wuxuuna aamusiiyay xidiga reer Germany balse markale waxa uu Sterling u diiday in uu shaqo fiican garoonka ka qabto wuxuuna sidaa ku ahaa xidigii garoonka ugu fiicnaa. Mr qaab ciyaareedkiisa joogteeye!.

David Luiz, Eden Hazard iyo Kante ayaa dhamaantood door muuqda ka ciyaaray in Chelsea ay saddexda dhibcood ka heshay Man City isla markaana ay waliba si layaableh ugu dul ciyaartay qaybtii labaad.

Miyay Jiraan Xidigo Fashilmay?: Marka la eego sidii ay Man City u ciyaartay qaybtii hore way yar tahay xidig lagu tilmaami karo in uu fashilmay balse xaalada Chelsea oo fiicnayd awgeed waxay noqdeen kuwo aan samayn wixii looga soo bartay balse Gabriel Jesus oo kaydka soo baxay ayaa fashilmay.

Qiimayntii Ciyaartoyda Chelsea iyo Man City:

Man City: Ederson (6), Walker (6), Stones (6), Laporte (6), Delph (6), Fernandinho (7), B Silva (6), D Silva (6), Sane (6), Sterling (6), Mahrez (6)

Badalkii: Jesus (5), Foden (6)

Chelsea: Arrizabalaga (7), Azpilicueta (8), Rudiger (8), Luiz (8), Alonso (7), Jorginho (6), Kante (8), Kovacic (6), Pedro (6), Hazard (8), Willian (6).

Badalkii: Barkley (7), Giroud (6)

Riix halkan hoose 2 aad si aad xaqiiqooyinka iyo rekoodhada u akhrisato.