Martin Zubimendi ayaa xaqiijiyay in mustaqbalkiisa uu weli wax go’aan ah ka gaarin xagaagan, isagoo meesha ka saaray suurtagalnimada uu ugu biiro karo koox ka dhisan horyaal ka baxsan La liga.Wuxuu caddeeyay inuu xiiseynayo inuu u dhaqaaqo Real Madrid, inkastoo si weyn loola xiriiriyay Arsenal.
“Waa xagaa dheer, mana garanayo sida uu ku dhammaan doono,” ayuu yiri Zubimendi oo la hadlayay warbaahinta.
“Malaga yaabaa haddii Xabi Alonso uu kusoo waco in aad Real Madrid ku biirto? Mar walba waxaan sheegay inuu yahay kan aan ku daydo, waxaana sharaf ii ah inuu macallin iiga soo noqday kooxda Real Sociedad B.”
Hadalkaas ayaa xaqiijinaya wararkii hore ee sheegayay in Zubimendi, inkasta oo uu ogolaaday inuu ku biiro Arsenal, uusan diidi doonin haddii Real Madrid ay la soo xiriirto.
Laacibka khadka dhexe ayaa la rumeysan yahay inuu sugaayay taleefankaas ka hor inta uusan si buuxda go’aan uga qaadanin ku biirista Arsenal.