Xiriirka Kubadda Cagta Koonfurta America Oo Kulanka Final-ka Copa Libertadores Ku Casuumay Dhawr Xiddig Oo Gobolka Ah, Balse Hal Xiddig Ayaa La Hubaa.

Xiriirka Kubadda Cagta qaaradda Koonfurta America ayaa ballaariyay qorshaha ay final-ka Copa Libertadores ugu casuumayaan ciyaartoyda gobolka kasoo jeeda ee ka ciyaara horyaalka La Liga, waxaana ilaa iyo hadda la hubaa hal xiddig inuu imaan doono, waana kabtanka Balaugrana Lionel Messi.

Axadda waxaa dhici doona final-ka tartanka Copa Libertadores lugtiisa labaad, waxaa lagu ballamay garoonka Santiago Bernabeu – iyadoo lugta labaad 2-2 lagu soo galay garoonka La Bombonera.

Xiriirka CONMEBOL wali ma aysan helin wax xaqiijin rasmi ah oo kaga timid dhawrka xiddig oo ay casuumeen, walina wey ka sugayaan.

Kaliya kabtanka Barcelona Lionel Messi ayaa hubanti ay tahay inuu fariisan doono VIP-da garoonka Santiago Bernabeu, walow ay caawa kooxdiisa ciyaareyso.

Lionel Messi kadib kulanka Catalan Derby oo caawa qabsoomi doona, wuxuu gali doonaa safar uu ku aado magaalada Madrid si uu goob joog ugu noqdo kulanka ugu xiisaha badan isbuucaan kubadda cagta waana final-ka qarniga.