Xiriirka FA-ga Ingiriiska Oo Laga Yaabo Iney Dhaqan-Galiyaan Xeer Kooxaha U Ogolaanaya Iney Ciyaartoy Dheeraad Ah Garoonka Soo Galiyaan Hadii Goolal Badan Laga Dhaliyo.

Xiriirka FA-ga ayaa ka fakaraya inuu ogolaado xeer kooxaha u ogolaanaya iney ciyaartoy dheeraad ah soo galiyaan garoonka hadii inta ciyaarta socoto goolal badan laga dhaliyo, waxaana xeerkaan lagu magacaabaa “Power Play” balse kaliya waxey khuseysaa kooxaha da’yarta.

Waxaa lagu fakarayaa in kooxaha loo ogolaado iney ciyaartoy dheeraad ah soo galiyaan garoonka marka afar ama wax ka badan laga dhaliyo inta ciyaarta socoto, waxeyna ujeedadu tahay kaliya iney dhiirigalin noqoto, sidoo kalana kooxda kale ay xiisaha ciyaarta sare u qaado.

Kaliya waxaa la diidayaa in koox si xun loo xasuuqo isla markaana dhalinyarada ay qalbi jabaan, FA-ga ayaana go’aansanaya hadii laga dhaqan galin doono xeerkaan horyaalada loo qabto caruurta 6-jirada iyo 11-jirada.

FA-ga waxey aragtidaan u heystaan mid wanaagsan, balse baraha bulshada ayaa aad loogu hadal qaaday iyadoo dadka qaar ay si xun uga soo horjeesteen.

Brent Pettit ayaa kusoo qoray Facebook-ga: “Waxaan dooneynaa inaan soo barbaarino caruur badan oo aan garaneynin sida loo tartamo”

“Kubadda Cagta waa ciyaaro lagu tartamo, tartanka wuxuu la macno yahay in la guuleysto hadana la guuldareysto: ayuu yiri Mark Broughton – isagoo hadalkiisa sii wata ayuuna yiri mar kale: “Waxey u baahan yahiin iney ogaadaan sida loo macaamilo labadaas natiijo”

Dhanka kale afhayeen u hadlay FA-ga ayaa ka dhawaajiyay iney jawaabo qurux badan ka heleen tababarayaasha iyo waalidiinta dhalay caruurta, waxeyna kalsooni ku qabaan iney ugu yaraan hirgalin karaan.