Xirfada Xaaskiisa Ayuu Ku Khiyaameeyay Kooxdiisa-Ciyaartoy Si Layaableh U Qirtay Qaabkii Xaaskiisu Uga Caawisay In Uu Khiyaano Sameeyo.

Maalin kasta waxaa jira dhacdooyin la yaableh oo ka soo dhex baxa kubbada cagta kuwaas oo marar badan muujiya waxyaabo qarsoonaa oo waqti kadb la ogaado. Xidigii hore ee xulka qaranka Germany iyo kooxda Bayer Leverkusen ee  Stefan Kiessling oo isla xili ciyaareedkii hore ka fadhiistay ciyaarista kubbada cagta ayaa soo bandhigay arin qariib ah oo uu ku khiyaamayn jiray kooxdii uu ka tirsanaa.

Stefan Kiessling ayaa soo bandhigay khiyaamo farsamadeedu sarayso oo uu kula kacay kooxdiisii hore ee Bayer Leverkusen maadama oo uu ahaa mid aan jeclayn tababarka wuxuuna waraysi uu siiyay wargayska Sport Bild ee dalka Germany ka soo baxay uu kaga sheekeeyay sidii ay wax u dhaceen.

Stefan Kiessling ayaa ka mid ahaa ciyaartoydii xulka qaranka Germany ku soo matalay koobkii aduunka ee South Afrika lagu qabtay sanadkii 2010 kii inkasta oo aanu wax goolal ah ka soo dhalin kubbada cagta xulkiisa ee heerka seniorka.

Stefan Kiessling ayaa sheegay in kooxda Bayer Leverkusen ay ciyaartoy kasta u xidhi jirtay saacad taas oo ururinaysa xogta tababarka iyo garaaca wadnaha ciyaartoyda si loo qiyaaso taam ahaanshahooda iyo waliba inta ay tababarka qaateen, laakiin waxa uu sheegay in saacadan uu u xidhi jiray xaaskiisa marka uu guri joogo si ay uga caawiso khiyaanada uu sameeyay.

Xaaska  Stefan Kiessling oo la yidhaa Norina ayaa ah gabadh Sportksa ku dhex jirtay isla markaana isaga si wayn ugaga fiicnayd dhinaca orodka iyo tababarka wuxuuna u xidhi jiray saacada ay kooxda Bayer Leverkusen kula socotay xaaladiisa tababarka iyo garaaca wadnihiisa balse waxa uu sheegay in aan marnaba lagu fahmin khinaada wayn ee uu sameeyay.

Stefan Kiessling oo arintan layaabka leh banaanka u soo saaray ayaa yidhi: “Anigu waligay boqolkiiba boqol tababarka maan samayn ee waqtiga diyaar garowga, xataa hal marna. Waxay iyagu ku siinayaan saacad taas oo ay ku cabirayaan heerka garaaca wadnahaaga taas oo kaydinaysa tababarka oo dhan”.

Stefan Kiessling oo wixii uu sameeyay sharaxaya ayaa yidhi: “Maadaama oo ay xaaskaygu aad sportka ugu fiican tahay, waxay saacada ku gali jirtay tartamada baratanka, si aad u fiican ayay u qabtay oo aanu qofna ogaan”.

Stefan Kiessling ayaa xili ciyaareedkii hore ka fadhiistay kubbada cagta kadib markii uu kooxda Bayer Leverkusen ka soo tursanaa 12 kii sanadood ee ugu danbeeyay wuxuuna tan iyo bishii October caawiye ka ahaa isla kooxda uu khiyaanadan kula soo kacay isaga oo caawiye u ah agaasimaha ciyaaraha ee Rudi Voller.