Xilliga Uu Florian Wirtz Caafimaadka U Marayo Liverpool Oo La Shaaciyay

Liverpool ayaa la sheegay inay heshiis la gaartay kooxda Bayer Leverkusen si ay ula wareegto xiddiga reer Jarmal ee Florian Wirtz, iyadoo uu u muuqdo inuu si dhakhso ah ugu soo wareegayo garoonka Anfield.

Saxiixa Wirtz ayaa la filayaa in si rasmi ah loo shaaciyo marka suuqa kala iibsiga dib u furmo 16-ka Juun, maadaama ciyaaryahanka 22-jirka ah uu haatan soo af-jaray gudashada waajibaadka caalamiga ah ee xulka Jarmalka, kaddib markii ay 2-0 kaga adkaadeen France kulankii kaalinta saddexaad ee UEFA Nations League Axaddii.

Xog hoose oo ay bannaanka keentay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa caddeysay in Wirtz caafimaadka u marayo Liverpool 18 June ee bishaan.

Liverpool ayaa Wirtz kula soo wareegtay heshiiskii ugu qaalisanaa abid koox ka dhisan horyaalka Premier league ay maal-geliso.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football