Xiddigii Hindisay Rigooraha Xeeladaysan Ee Badhtanka Goolka Lagu Beego Ee Antonin Panenka Oo Doortay Xiddiga Uu Ugu Jecelyahay Ee Qaabkiisii Xusuusiya, Sergio Ramos Mise Andrea Pirlo?

Xiddigii hindisay gool kulaadka figta ah ee lagu beego badhtamaha goolka ee Antonin Panenka ayaa xushay xiddiga dookhiisa ah ee uu filanayo inuu sida ugu fiican u tuuro gool kulaadkii uu hindisay mudo dheer kahor.

Panenka oo u dhashay wadanka Czech ayaa qaabkan hinsiday sanadkii 1976 kaddib markii uu gool kulaadkaas dhaliyay si uu xulkiisa ugu hoggaamiyo tartanka xulalka qaarada Yurub wuxuna filayaa in Sergio Ramos uu yahay midka ugu fiican ee haatan qaabka saxda ah u tuura gool kulaadkii uu yagleelay.

Antonio oo rigoorahan noocan ah loogu magac daray magaciisa Panenka ayaa sheegay in Sergio uu yahay midka ugu dhaw ee isaga shabihi kara isaga oo dhinaca kale ka sheekeeyay qaabkii uu kusoo bilaabmay rigoorahani.

Halyeeyga xulka Czech ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Waan jecelahay (Marka uu tuurayo Ramos) waxaan filayaa inuu sidaas sameeyay dhawr jeer oo hore sida tartankii European Championship (EURO) ee sanadkii 2012”

“Waxaan filayaa inuu noqon karo midka ugu fiican ee igu dayda, Ciyaartoyga sida ugu fiican u tuura gool kulaadyada Panenka sababtoo ah waxa uu sidaas sameeyay inbadan”

“Aniga ahaan waxaan ku tababartay laba sano kahor European Championship-kii 1976, Waxaan ogaaday in dhammaan goolhayayashu ay hal dhinac isku tuuraan amaba dhinaca kale sidaa darteed way fiicnaan lahayd inaan dhexda dhigo”

“Goolhayahaygu waxa uu ahaa mid aad ugu fiican badbaadinta rigorayasha sidaa darteed markasta waxaan ku fashilmi jiray sharad ah lacag, Macmacaan iyo wax lamid ah”

Halyeeyga xulka qaranka Talyaaniga ee Andrea Pirlo ayaa sidoo kale kamid ah xiddigaha qaabka farshaxanka leh u tuuri jiray noocan rigooraha ah isaga oo lagu xasuusto midkii taariikhiga aah ee uu ka dhaliyay xulka England 2012.