Inkasta oo uu muddo laba bilood ah kaliya xilka hayay, haddana tababaraha cusub ee Real Madrid, Xabi Alonso, ayaa durba la ogaaday xiddigaha uu sida gaarka ah u jecel yahay, sida ay sheegayaan ilo wareedyo dhowr ah.
Waxaa la xaqiijiyay in todobadan ciyaaryahan ay yihiin kuwa uu ugu jecel yahay Alonso sababo la xiriira shaqadooda adag iyo sida ay sida dhakhsida leh u fahmeen qaab-ciyaareedkiisa:
Thibaut Courtois
Dean Huijsen
Jude Bellingham
Aurelien Tchouameni
Fede Valverde
Arda Guler
Vinicius Jr
Xabi Alonso ayaa la sheegay inuu si gaar ah mudnaan u siiyo xiddigahan, maadaama ay muujinayaan dadaal joogto ah iyo faham buuxa oo ku saabsan falsafaddiisa tababarenimo.
Si kastaba ha ahaatee, si ka duwan tababarihii hore Carlo Ancelotti, Alonso wuxuu qorsheynayaa inuu si joogto ah u rogrogo safkiisa, taasoo fursad siin doonta dhammaan xiddigaha kooxda – haddii ay la yimaadaan karti, dadaal iyo wacyi ciyaareed oo sarreeya.
Waxaa la filayaa in liiska xiddigaha uu jecel yahay uu isbedeli karo inta lagu jiro xilli ciyaareedka, iyadoo lagu saleynayo bandhigyada ciyaartooyda ee tababarka iyo kulamada rasmiga ah.