Ciyaar taariikhi ah oo nabadeed oo ka dhacday garoonka Muqdisho Talaadadii ayaa isugu keentay halyeyada kubadda cagta Afrika, kumannaan taageerayaal ah, iyo hoggaamiyeyaasha sare ee isboortiga gobolka, taasoo calaamad u noqotay midnimo, soo kabasho, iyo rajo cusub oo mustaqbalka isboortiga Soomaaliya.
Ciyaartan oo uu ka qaybgalay Madaxweynaha Ururka Kubadda Cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika (CECAFA), Augustino Parek Maduot, ayaa waxaa ka mid ahaa ciyaaryahanno caan ah sida Samuel Eto’o, Jay-Jay Okocha, iyo Emmanuel Adebayor, kuwaas oo garabka la ciyaaray xiddigaha Horyaalka Soomaaliya iyaga oo la tartamay koox ka kooban ciyaaryahannadii hore ee Ocean Stars.
Waxaa sidoo kale garoonka joogay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Hamza Abdi Barre iyo Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Jabuuti isla markaana ah xubin ka tirsan Golaha FIFA Suleiman Waberi, kuwaasoo qeyb ka ahaa dabaaldeggii isboortiga iyo nabadda ee ka dhacay dal muddo dheer dagaal ka jiray.
“Mar walba waa in aan taageernaa xubnaha Gobolka. Waa muhiim in aan midowno sida qoys kubadeed oo dhan,” ayuu yiri Madaxweynaha CECAFA Maduot, isaga oo muujiyay taageerada uu u hayo dib u soo kabashada isboortiga Soomaaliya.
Munaasabaddan oo lagu tilmaamay inay ahayd tan ugu weyn ee isboorti ee Soomaaliya tan iyo dagaalkii sokeeye ayaa waxaa si farxad leh ula socday kumannaan taageerayaal ah. In kasta oo natiijada ciyaarta oo ahayd 8–4 ay guushu raacday kooxda halyeyada, haddana ujeeddada ciyaarta waxay ahayd mid ka weyn tartan — waxay ahayd dib u nooleynta sharafta qaranka iyo dareen cusub oo midnimo ah.
Ra’iisul Wasaare Barre ayaa ciyaarta ku tilmaamay tallaabo weyn oo lagu dhisayo aqoonsiga isboortiga Soomaaliyeed, isagoo yiri:
“Joogitaanka xiddigaha caalamiga ah iyo hoggaamiyeyaasha isboortiga waxay muujinayaan in kalsoonidii caalamka ee Soomaaliya ay soo laabanayso.”
Marka laga gudbo astaanta, ciyaartu waxay lahayd ujeeddooyin wax ku ool ah. Waxa kale oo loo adeegsaday in lagu qiimeeyo diyaar garowga Soomaaliya ee martigelinta tartamada caalamiga ah iyo in la soo bandhigo dadaallada socda ee lagu horumarinayo kaabeyaasha isboortiga ee dalka.
Halyeyadii kubadda cagta ee martida ahaa ayaa la filayaa inay maalmo dhowr ah ku sugnaadaan Muqdisho, iyagoo booqan doona xarumo isboorti oo maxalli ah isla markaana la kulmi doona masuuliyiin si ay uga wada hadlaan xeelado lagu horumarinayo laguna dhisayo kubadda cagta Soomaaliyeed.
Joogitaankooda horey ayuu u bilaabay inuu dhiirrigeliyo jiil cusub oo ciyaartooy Soomaaliyeed ah, islamarkaana u diray farriin cad oo ku socota bulshada isboortiga caalamka:
Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay mar kale ka mid noqoto masraxa caalamiga ah.