Xiddiga reer Croatia ee Luka Modric ayaa la xaqiijiyay inuu ka tagayo Real Madrid xagaagan, kaddib markii kooxda boqortooyada ay go’aansatay inaysan cusbooneysiin qandaraaskiisa.
Modric ayaa sii joogi doona kooxda illaa uu dhamaado Koobka Adduunka ee Naadiyada, taasoo lagu wado iney noqoto ciyaartiisii ugu dambeysay ee Real Madrid.
Sida uu qoray wargeyska “Marca”, xiddiga reer France Kylian Mbappe ayaa loo arkaa musharraxa ugu weyn ee qaadan kara lambarka 10-aad xilli ciyaareedka soo socda, taasoo uu hadda xiran yahay Modric. Mbappe ayaa haatan u ciyaara Real Madrid isagoo xiran lambarka 9-aad, balse waxaa loo oggolaan doonaa inuu beddelo lambarkiisa xagaagan haddii uu doono.
Haddii Mbappe uusan xiisayneyn beddelka lambarkiisa, Real Madrid ayaa laga yaabaa inay lambarka 10-aad siiso mid ka mid ah ciyaartoyda saameynta leh ee kooxda hadda jooga, ama xiddig cusub oo muhiim ah oo lagu soo biirinayo kooxda.