Xherdan Shaqiri Oo U Sheegay Tababarahiisa Jurgen Klopp Booska Uu Doonayo Inuu Ka Ciyaaro Si Uu Awoodiisa U Muujiyo.

Saxiixa cusub ee Liverpool Xherdan Shaqiri ayaa u sheegay tababarahiisa reer Jarmal [Jurgen Klopp] inuu ka ciyaarsiiyo booska 10-aad, isagoo u arka inuu ku wacan yahay.

Shaqiri wali ma helin fursad joogto ah oo kooxdiisa uu kaga mid noqdo, balse kulamadii uu ciyaaray si aan caadi aheyn ayuu uga dhex muuqday, balse hadal heyn badan ayaa timid markii Klopp uu garoonka dhexdiisa ku canaantay wiilkiisa.

Shaqiri kaliya wuxuu kusoo bilowday kulan ay kooxdiisa 3-0 ku garaacday Southampton, wuxuu ka qeyb qaatay saddexda gool ee kooxdiisa, kaliya qeybta hore ayuuna ciyaaray xiddigaan.

Xherdan Shaqiri hadda wuxuu la joogaa qarankiisa Switzerland si uu u guto waajibaadka dalkiisa, wax badan ayuuna ka hadlay xiriirka kala dhaxeeya macalinkiisa Jurgen Klopp.

“Waxaan la leeyahay xiriir wanaagsan Klopp” ayuu Shaqiri u sheegay Blick.

“Waa madadaalo saa’id ah inaad la shaqeyso Klopp, wax badan kama aanan hadlin tartanka qaramada, waan faraxsanahay, waxaan u maleynayaa ilaa xad inaan ku dhawahay safka koowaad, waliba aan aad ugu dhawahay”

27-jirkaan wuxuu kadhawaajiyay inuu jecel yahay xoriyad in la siiyo waana inuu ciyaaro booska 10-aad, isagoo qiraya waqtiga tababrka booska uu ciyaaro wuxuu yiri:

“Tababaraha wuxuu i siiyaa xoriyad, waxaan isku dayaa inaan sameeyo wax walba oo aan ku caawin karo kooxda sida ugu macquulsan, inaan sameeyo baasas halis ah iyo shuud intaba”