Sida ay ku warrantay MARCA, xiddiga Real Madrid ee Kylian Mbappé ayaa lumiyay miisaan u dhexeeya afar ilaa shan kiilo kadib markii uu ku dhacay caabuq caloosha ah oo culus intii lagu jiray safarkii kooxda ee Club World Cup.
Weeraryahanka reer France ayaa xanuunsanaa tan iyo markii ay kooxda Madrid timid Palm Beach 15-kii June, iyadoo xanuunku uu ku dhacay saacado yar un kadib imaanshaha. Waxaa xitaa la xaqiijiyay in shantii maalmood ee la soo dhaafay uu isbitaal u galay sababo la xiriira xaaladda caafimaadkiisa.
Dhakhaatiirta kooxda ayaa sheegaya in Mbappé uu lumiyay ilaa 5kg, taasoo ah miisaan la taaban karo marka la eego in miisaankiisa caadiga ahi uu ku dhow yahay 75kg. Sawiradii tababarka ee kooxda ayaa muujinayay Mbappé oo si muuqata u dhuuban, taasoo caddeyneysa saameynta weyn ee cudurka ku yeeshay jirkiisa.
Natiijada xanuunka awgeed, Mbappé wuxuu seegay labadii kulan ee ugu horreeyay ee Club World Cup, waxaana la filayaa inuusan qeyb ka noqon doonin kulanka saddexaad ee kooxda oo la ciyaari doonta Salzburg habeenka Jimcaha. Wuxuu kulanka ka dhici doonaa magaalada Philadelphia.
Mbappé wali si buuxda uguma biirin tababarka kooxda, iyadoo Real Madrid ay rajeyneyso inuu si buuxda u soo kabsado kahor bilowga xilli ciyaareedka rasmiga ah.