Xabi Alonso Oo Weerar Culus Ku Qaaday Vinicius Iyo Mbappe; Garoon Lug Ma Saari Doontaan Haddii Aadan……………..

Tababaraha Real Madrid, Xabi Alonso, ayaa fariin cad u diray weeraryahanadiisa, oo ay ka mid yihiin Kylian Mbappe iyo Vinicius Junior, isagoo dalbaday dadaal buuxa iyo firfircooni xagga weerarka iyo marka aysan kooxda kubadda heysan.

Alonso ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay cadaadis joogto ah oo la saaro difaaca kooxda ka soo horjeeda:

“Ma aha inaad u orodaan sida daafacyada, balse waa inaad cadaadis joogto ah saartaan daafacyada.”

Wuxuu sidoo kale si cad u sheegay iney sugaan in kubadda la siiyo aysan ku filnayn:

“Macquul ma aha inaad istaagto oo aad sugto in lagu siiyo kubadda si aad gool u dhaliso. Waa inaad raacataa kubad kasta.”

Alonso ayaa hadalladan si xooggan uga sheegay shirarka kooxdu yeelato, isagoo si gaar ah u adkeeyay:

“Ciyaartoyga aan ordin oo aan dadaalin – garoon iima galayo.”

Fariintan adag ayaa muujinaysa in Alonso uu doonayo koox ka shaqeysa labada dhinac ee garoonka, taas oo wax weyn ka beddeli karta hab ciyaareedka Real Madrid ee xilli ciyaareedka cusub.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football