Tababaraha Real Madrid Xabi Alonso ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in Rodrygo Goes uu ka tagayo kooxda xagaagan, isagoo xaqiijiyay in weeraryahanka reer Brazil uu doonayo inuu sii joogo isla markaana uu diyaar u yahay inuu wax ku biiriyo kooxda.
Alonso oo ka hadlayay shir jaraa’id ka hor kulanka Club World Cup ee ay Madrid la ciyaarayso Al Hilal, ayaa yiri:
“Wax badan ma sheegi karo, laakiin waxaan ogahay wixii dhacay. Dhammaadkii xilli ciyaareedka ma uusan farax saneyn isaga. Wuxuu qaatay waqti uu maskaxdiisa ku nadiifiyo. Tan iyo maalintii ugu horreysay ee aan la kulmay, waxaan arkay Rodrygo oo diyaar u ah inuu garoonka wax ku soo kordhiyo.”
Xabi Alonso ayaa intaas ku daray:
“Waan ka wada hadalnay [mustaqbalkiisa], waan la wadaagnay, hadda waa inaan ficil u beddelnaa.”
Rodrygo ayaa horay loola xiriirinayay kooxo ay ka mid yihiin Arsenal iyo Chelsea, balse hadalka Xabi Alonso wuxuu u muuqdaa mid meesha ka saaraya in uu ka tagayo Santiago Bernabéu xagaagan.
Waxaa la filayaa in Rodrygo uu door muhiim ah ka ciyaaro mashruuca cusub ee Alonso, iyadoo Real Madrid u hanqal taagayso koobabka maxalliga ah iyo kuwa Yurub xilli ciyaareedka 2025/26.