Warbixin ay daabacday Marca ayaa sheegaysa in Xabi Alonso, tababaraha cusub ee Real Madrid, uu qorsheynayo kulan gaar ah oo uu la yeesho Vinicius Jr marka ay bilaabmaan tababarrada xagaaga. Alonso wuxuu doonayaa inuu si cad ugu cadeeyo weeraryahannada kooxda waxa laga filayo.
Alonso oo ah tababare aaminsan wadajir iyo dadaal kooxeed, ayaa la sheegayaa inuu Vinicius u sheegi doono in kartidiisa weerar aysan marnaba su’aal ku jirin. “Hibada waa inay la socotaa daacadnimo iyo naf-hurnimo kooxeed,” ayaa lagu yiri warbixinta, iyadoo tilmaamaysa inuu tababaruhu ka walaacsan yahay difaac la’aanta weerarka ee xilli ciyaareedkii hore.
Waxaa jira dareen xanaaq leh oo ka dhex jira kooxda, iyadoo qaab-dhismeedkii Real Madrid uu isbeddel lama filaan ah ku sameeyay. Weeraryahanada ayaa lagu eedeeyay inaysan si ku filan dib u raacin ama aysan cadaadis saarayn difaacyada kooxaha ka soo horjeeda. “Waxaa laga yaabaa in la aqbalo qaar kamid ah weeraryahannada kooxda in laga dhaafo doorka daafacashada, laakiin laba ama saddex marnaba ma dhaceyso,” ayay Marca ku dartay.
Inkastoo Vinicius uu dhaliyay 20 gool isla markaana bixiyay 17 caawin, haddana waxaa lagu eedeeyay inuu ku liitay kulamadii muhiimka ahaa. Alonso wuxuu weli u arkaa Vinicius inuu yahay laacib muhiim u ah mustaqbalka Madrid, laakiin wuxuu ka filayaa hoggaan, mas’uuliyad, iyo anshax dheeri ah. Warbixintu waxay sheegtay in wadahadalku diiradda saari doono mas’uuliyadda, hoggaaminta iyo dhaqanka ciyaaryahanka.