Tababaraha cusub ee Real Madrid, Xabi Alonso, ayaa si daacad ah u qirtay inuusan wali hubin halka uu Vinicius Junior si rasmi ah uga ciyaari doono – isagoo xusay in xiddiga reer Brazil uu leeyahay dabeecad iyo niyad aad u sarreysa.
“Horay umaan garaneyn Vini, laakiin hadda waan garanayaa shakhsiyadiisa iyo sida uu u hadlo,” ayuu Alonso ku yiri wareysi uu siiyay DAZN.
“Waa ciyaaryahan leh dareen iyo niyad aad u weyn. Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan la joogo. Hadda shaqada waxay tahay inaan helno booska ugu fiican ee uu kaga faa’iideyn karo kooxda.”
Vinicius oo xilli ciyaareedkii hore ku fiicnaa garabka bidix ayaa dhowaan lagu tijaabiyay boosas kale sida weeraryahan dhexe iyo xitaa garabka midig — waxaana muuqata in Alonso uusan deg-deg ku qaadan doonin go’aan kama dambeys ah.
“Wuxuu leeyahay qalbi weyn. Waa taas waxa iga yaabiyay maalmihii ugu horreeyay ee tababarka,” ayuu hadalkiisa raaciyay Alonso.
Vinicius ayaa la filayaa inuu qeyb ka noqdo kooxda Real Madrid marka ay la ciyaarayaan Al Hilal kulankooda furitaanka ee Club World Cup oo dhici doona maanta oo arbaca ah. Kulankaas ayaa laga yaabaa inuu bixiyo ifafaale ku saabsan doorka Vinicius ee kooxda Xabi Alonso.
Waxaan rajaynaynaa sanadkan imaan aduunka layaban real Madrid cab cabsi ah