Xabi Alonso Oo Shaaciyay Waxa Sababay Barbarihii Ay La Galeen Al Hilal Kulankoodii Ugu Horreeyay Ee Club World Cup-ka

Tababaraha Real Madrid, Xabi Alonso, ayaa sheegay in cimilada kulul iyo garoonka ay sabab u ahaayeen dhibaatooyinkii ay kooxdiisu la kulantay kulankii ay la ciyaareen Al Hilal, kaasoo ku dhammaaday 1-1.

“Vinícius wuxuu la tacaalayay murqo xanuun oo uu sababay kulaylka iyo xaaladda garoonka,” ayuu Alonso u sheegay DAZN.

“Laakiin qeybtii labaad waan fiicnaannay. Fursado fiican ayaan helnay, kubadda si wanaagsan ayaan u xakameynay,” ayuu sii raaciyay.

“Waxaan awoodnay inaan ciyaarta ku qaadanno dhankooda muddo dheer, fursado wanaagsan ayaan helnay, ciyaartana si wanaagsan ayaan u xukumnay. Dabcan, bilowgaan waxa uu noo yahay dhisidda wax cusub,” ayuu yiri Alonso.

Kulankaas ayaa muujiyay caqabado cusub oo Real Madrid ay la kulantay, iyagoo wajahaya xaalado aan ku fiicnayn xilli ciyaareedka cusub.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football