Xabi Alonso ayaa si cad u muujiyay in weeraryahanka reer Brazil, Rodrygo uu weli door muhiim ah ku leeyahay Real Madrid, isagoo sidoo kalena yareeyay rajada kooxda Arsenal ee ku aaddan inay la saxiixato xiddiga reer Brazil.
Tababaraha Real Madrid ayaa yiri:
“Waan la hadlay Rodrygo. Waa ciyaaryahan rajo ka leh kooxda, diyaar ah, oo niyad wanaagsan leh. Waxaan hubaa inuu dib u heli karo qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa.”
Rodrygo ayaa dhawaan la kulmay hoos u dhac dhinaca waxqabadka ah, taas oo dhalisay warar sheegaya in Arsenal ay si dhow ula socoto xaaladdiisa.
Hadalka Alonso ayaa muujinaya in Real Madrid aysan qorsheyneyn inay iska iibiso Rodrygo, islamarkaana ay rumeysan yihiin inuu si buuxda uga qeyb qaadan karo mashruuca kooxda ee xilli ciyaareedka cusub.