Xabi Alonso Oo Markii Ugu Horreysay Si Toos Ah U Shaaciyay Qorshihiisa Real Madrid

Tababaraha cusub ee Real Madrid, Xabi Alonso, ayaa si cad u qeexay himiladiisa hoggaamineed isagoo ka hadlay qorshihiisa kooxda ka hor bilaabashada tartanka FIFA Club World Cup.

Wareysi uu siiyay DAZN, Alonso wuxuu yiri:

“Mashruuceyga? Mashruuceygu waa in la guuleysto.

Waxaan ognahay waxa aan nahay, waxaan ognahay waxa aan rabno, waxaan ognahay sida aan rabno inaan u ciyaarno — taas ayaana ah waxa aan ka shaqeyneyno inaan dhisno.”

Alonso ayaa kalsooni buuxda ka muujiyay in kooxdiisa ay horumar la imaan doonto tartanka:

“Waxaan 100% hubaa in kooxda aan noqon doono dhammaadka Club World Cup ay ka fiicnaan doonto kooxda aan hadda nahay. Ciyaar kasta kadib, waxaan hagaajin doonaa waxyaabo badan. Horumar ayaan sameyn doonnaa.”

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football