Xabi Alonso Oo Go’aan Kasoo Saaray Mustaqbalka Mbappe Vini Iyo Rodrygo

Tababaraha cusub ee Real Madrid, Xabi Alonso, ayaa si cad u sheegay in kooxda ay u baahan tahay weeraryahanka reer Brazil ee Rodrygo, xilli warar xoogan ay la xiriirinayaan inuu u wareegayo Arsenal xagaagan.

Alonso ayaa sidoo kale ka hadlay labada xiddig ee kale ee weerarka, Kylian Mbappé iyo Vinícius Junior, isagoo sheegay in kooxda ay u baahan tahay inay si buuxda uga faa’iideysato awooddooda.

Isagoo ka hadlayay shirkiisii jaraa’id ee ugu horreeyay tan iyo markii loo magacaabay tababaraha cusub ee Real Madrid, Alonso wuxuu yiri:

“Rodrygo waa ciyaaryahan Real Madrid ah. Waa ciyaaryahan heer sare ah waana u baahan nahay.”

Wuxuu intaas ku daray:

“Vini Jr. iyo Mbappé? Waa in aan ka faa’iideysannaa awooddooda ugu fiican.”

Waxaa xusid mudan in Rodrygo uu xiiso ka helayo kooxda Arsenal xagaagan, iyadoo warar sheegayaan in ciyaaryahanka 24-jirka ah uu dalbanayo mushaar gaaraya €10 milyan sanadkii si uu ugu biiro Gunners.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda Waqooyiga London ee Premier League-ka ayaa la sheegayaa inaysan diyaar u ahayn inay bixiso mushaharkaasi sare.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football