Tababaraha cusub ee Real Madrid, Xabi Alonso, ayaa ka hadlay su’aalo badan oo la xiriira qorshihiisa weerarka, oo ay ku jiraan sida uu uga faa’iideysan doono xiddigaha Kylian Mbappe iyo Vinicius Junior. Alonso ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay xulashooyinka weerar ee uu heli doono.
Alonso wuxuu yiri: “Waa nasiib in aan haysto ciyaartoy heerkaas ah, ma ahan oo keliya Kylian ama Vinicius, laakiin sidoo kale kuwa kale oo badan. Waa ciyaartoy beddeli kara natiijada ciyaarta. Waa inaan ka faa’iideysanaa sida ugu fiican ee suuragalka ah. Weli waan ka fikirayaa; wakhti ayaan haysanaa ka hor intaanan kulmin. Laakiin aniga ahaan, waa muhiim in aan si cad u muujiyo waxa aan rabno. Waa ciyaartoy heer sare ah, waana hawsha la i siiyay.”
Markii wax laga weydiiyay falsafadiisa weerarka, Alonso wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimada isbedbedelka xeeladeed: “Kubadda cagtu waa mid isbedbedel badan. Waxaan rabaa in ciyaartoydu ay si fiican u akhriyaan ciyaarta, isla markaana ay ka ciyaaraan meelaha ay ugu raaxaystaan kuna muujin karaan awooddooda jidheed, xeeladeed, iyo maskaxeed. Qodobka ugu wanaagsan waa in aan haysto ciyaartoy aad u fiican—intaa ka dibna dhibaatada waxey noqon doontaa mid keligey ku kooban,” ayuu yiri.
Tababarahan 43-jirka ah ayaa sidoo kale ka hadlay bixitaanka Luka Modric iyo imaatinka daafaca dhexe ee da’da yar Dean Huijsen: “Arrimahan waa kuwo laga tashado oo la isku raaco. Qaar anigaa mas’uul ka ah, qaar kalena ma aha mas’uuliyaddayda, laakiin sidaas ayey noqonaysaa. Hadda si rasmi ah ayaan u shaqeynayaa si aan go’aanno u qaato una qaado mas’uuliyadda.”
Markii la weydiiyay haddii uu la hadlay Rodrygo Goes, Alonso wuxuu si weyn u amaanay weeraryahanka reer Brazil: “Rodrygo waa ciyaaryahan Real Madrid ah, waan la hadli doonaa dhammaan ciyaartoyda kooxda u diiwaan gashan. Way mudan yihiin, annagana waan u baahanahay. Rodrygo waa ciyaaryahan cajiib ah—waan u baahannahay.”