Xabi Alonso Oo Go’aan Deg-deg Ah Ka Gaaray Mustaqbalka Brahim Diaz

Brahim Diaz ayaa si fiican uga faa’iideystay fursaddii uu helay kulankii barbaraha 1-1 ah ee Real Madrid la gashay Al-Hilal, isagoo soo galay qeybta labaad isla markaana muujiyay firfircooni iyo niyad adag. Inkasta oo Rodrygo uu ciyaarta ku bilowday isla markaana caawin sameeyay, hadana Diaz ayaa ahaa kan dareenka ugu badan reebay.

Sida laga soo xigtay wargeyska AS, tababare Xabi Alonso ayaa aad ugu faraxsan shaqada adag, tayada iyo tamarta Brahim Diaz uu ku muujiyo garoonka. Warbixinta waxay intaas ku dartay in Alonso uu u arko Diaz ciyaaryahan si buuxda ugu habboon hab ciyaareedkiisa cusub ee Real Madrid.

Wadahadallada kordhinta qandaraaska Brahim Diaz ayaa si xawli leh u socday tan iyo markii uu Alonso yimid kooxda. Diaz ayaa dareensan in haatan uu haysto fursad dhab ah oo uu joogto ugu ciyaaro safka koowaad. Wargeyska AS ayaa sheegay in waxa kaliya ee harsan ay tahay saxiixiisa si loo dhameystiro qandaraaska cusub.

Intii uu Carlo Ancelotti macalinka ahaa, Diaz inta badan wuxuu ahaa beddel, isagoo keydka u fadhiyay Jude Bellingham iyo Rodrygo. Laakiin ka hoos ciyaaridda Alonso, Diaz ayaa fursad fiican u haysta inuu kusoo bilowdo ciyaarta.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football