Xabi Alonso Oo Doortay Cidda Real Madrid U Laadeysa Kubadaha Koornooyinka

Tababaraha Real Madrid, Xabi Alonso, ayaa go’aansaday in Trent Alexander-Arnold uu noqdo ciyaaryahanka ugu weyn ee kooxda u qaadan doona kubadaha koornooyinka, gaar ahaan kuwa ka imaanaya dhinaca midig, xilli ciyaareedka 2025/26, sida uu sheegayo wargeyska Diario AS.

Alexander-Arnold ayaa ku biiray Real Madrid isagoo ah ciyaaryahan xor ah kadib markii uusan cusbooneysiin qandaraaskiisa kooxda horyaalka Premier League ee uu horey ugu ciyaaray.

Ciyaaryahanka reer England ee 26-jirka ah ayaa loo xidhay lambarka 12-aad ee uu horey u xiran jiray Marcelo, kadib markii uu bishan ku soo biiray kooxda reer Spain.

Trent ayaa la tartamaya daafaca khibradda leh ee Dani Carvajal si uu boos joogto ah uga helo garabka midig ee daafaca kooxda Alonso.

Wuxuu qeyb ka yahay kooxda Real Madrid ee haatan ka qeybgaleysa tartanka FIFA Club World Cup ee ka socda Mareykanka.

Dhanka kale, xiddiga tennis-ka ee reer Spain, Carlos Alcaraz, ayaa muujiyay kalsooni buuxda oo uu ku qabo Alexander-Arnold, isagoo yiri:

“Xushmad weyn ayaan u hayaa Trent. Waan hubaa inuu noqon doono daafaca midig ee ugu fiican adduunka.”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football