XAASAASI: Man United Oo Ku Hungoobaysa Helitaankii Zinedine Zidane Iyo Bixitaanka Beppe Marotta Ee Juventus Oo Halis Wayn Ku Ah Old Trafford.

Kooxda Juventus ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in madixii fulinta kooxdeeda ee Beppe Marotta uu ka baxayo shaqada uu hayo marka la gaadho October 25,2018, wuxuuna warkan badali karaa rajadii ay maamulka Man United ka qabeen in ay badalka Jose Mourinho ka dhigtaan Zinedine Zidane.

Kadib markii ay Juventus shaacisay in Beppe Moratta uu ka baxayo shaqada uu hadda ka hayo kooxda, waxa uu wargayska Talyaaniga ka soo baxa ee Tuttosport uu shaaciyay in Zinedine Zidane uu ka mid yahay dadka loo soo xulan karo booska uu banaynayo Moratta taas oo dili karta rajadii jamaahiirta iyo maamulka Man United ee Zidane ay ugu doonayeen in uu badalo Jose Mourinho.

Manchester United ayaa ku dhibtoonaysa xili ciyaareedka Premier league iyada oo 10 dhibcood oo kaliya ka soo heshay todobadii kulan ee Premier league ugu horeyay waxayna 9 dhibcood ka hoosaysaa kooxaha ay colaada wayni ka dhexayso ee Man City iyo Liverpool.

Jose Mourinho ayaa ku jaho wareeray shaqada Old Trafford isaga oo waliba colaad wayn kala dhex dhigay ciyaartoyda kooxdiisa oo u qaybsantay laba kooxood waxaana ugu danbeeyay oo kooxda falaagada ku ah Mourinho ku biiray Sanchez oo xaalad xun ku jira.

Warar soo baxay ayaa sheegayay in Jose Mourinho shaqada laga caydhin doono isla markaana uu Zinedine Zidane noqon doono macalinka badali doona laakiin kooxda Juventus ayaa hadda soo gashay tartanka loogu jiro adeega Zidane iyada oo doonaysa in ay ka dhigato madaxa fulinta kooxdeeda si uu u buuxiyo booska uu ka baxayo Moratta.

Beppe Marotta ayaa lagu xusuusan doonaa saxiixyadii layaabka lahaa ee uu sida xorta ah ku keenay Juventus isaga oo aan hal euro ka soo bixin ciyaartoyda kala ahaa Andrea Pirlo, Paul Pogba, Sami Khedira, Lorente, Emre Can, Neto iyo  Coman waxaana sidoo kale lagu xusuusan doonaa heshiiskii Cristaino Ronaldo ee uu dhawaan kula soo saxiixday.

Laakiin in Beppe Marotta uu baxayo waxay Zinedine Zidane siin kartaa in uu shaqada kubbada cagta ka galo boos aan ahayn tababaranimo taas oo xiiso kale u abuuri karta macalinka ree France isla markaana sabab u noqon karta in uu ka baxo xiisihii Man United uga imanayay.