Tababaraha Real Madrid Xabi Alonso ayaa ka hadlay kaarka cas ee hore ee loo siiyay Raul Asencio kulankii Pachuca ee Club World Cup, isagoo adkeeyay muhiimada ay leedahay in ciyaaryahanku wax ka barto qaladkii dhacay.
“Waxaan la hadli doonaa Raul Asencio, laakiin waa hubaal inuu u baahan yahay inuu wax ka barto khaladkiisa. Ma ahan wax loo dulqaadan karo khaladka noocaan kulamada qaar,” ayuu yiri Alonso.
Isagoo ka hadlayay waqtiga uu dhacay khaladka, Alonso wuxuu raaciyay, “Marka ciyaartu bilaabato waa inaad fursad raadisaa, ma aha inaad samayso khalad keeni kara kaarka cas. Waan la hadli doonaa. Weli waa da’yar, waana cashar uu wax kabaran doono mustaqbalka.”
Alonso sidoo kale wuxuu ammaanay sida kooxda u ciyaartay kadib markii ay hal ciyaaryahan waayeen. “Qaab ciyaareedkeena marka aan nahay 10 ciyaaryahan, sida aan u weerarno iyo u difaacno wuu is beddelay. Waa xaalad cadaadis leh in 10 ciyaaryahan lagu ciyaaro, laakiin si fiican ayaan u ciyaarnay.”
Hadallada tababaraha waxay muujinayaan muhiimada ay leedahay korriimada iyo la qabsiga ciyaartoyda da’da yar marka ay wajahaan xaalado adag.