“Wuxuu La Ciyaarayay Sanamyo, Ma Aheyn Ciyaartoy” Zlatan Ibrahimovic Oo Difaacay Messi Kadib Dhaleeceyn Loo Jeediyay Kulankii PSG

Weerar yahankii hore ee Barcelona iyo AC Milan, Zlatan Ibrahimović, ayaa si adag u difaacay Lionel Messi kadib guuldarradii Inter Miami kasoo gaartay Paris Saint-Germain (PSG) ciyaartii wareega 16-aad ee Club World Cup.

Messi ayaa wajahay dhaleeceyn weyn oo dhanka baraha bulshada ah kadib markii kooxdiisa 4-0 looga badiyay, iyadoo uusan wax gool ah dhalin kulankaas.

Si kastaba, Ibrahimović oo la hadlayay FootMercato ayaa yiri:

“Messi maanta ma uusan lumin wax fursad ah, Inter Miami ayaa laga badiyay! Messi wuxuu la ciyaarayay sanamyo, ma ahan ciyaartoy dhab ah. Haddii uu joogi lahaa koox dhab ah, waxaad arki lahaydeen libaaxnimadiisa.”

Zlatan oo xusuus dheer u leh la ciyaarista Messi waqtigii ay ka wada tirsanaayeen Barcelona, wuxuu intaas ku daray:

“Wuxuu u ciyaaraa weli kaliya jaceylka kubadda, wuxuuna wali qaban karaa waxyaabo ay 99% ciyaartoyda kale qaban karin.”

Messi laftiisa ayaa qoraal uu soo dhigay Instagram ku sheegay in kooxda ay hadda diiradda saari doonto horyaalka Major League Soccer (MLS) iyo tartamada kale ee soo socda.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football