“Wuxuu khiyaamay Saaxiibadiis, Macallinkiisa Iyo Taageerayaasha” – Madaxweynihii Hore Ee Espanyol Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Joan Garcia Kadib Ku Biiristii Barcelona

Barcelona ayaa si rasmi ah Arbacadii ugu dhawaaqday saxiixa Joan Garcia oo ay kala soo wareegeen kooxda dariska ah ee Espanyol. Barca ma aysan la xaajoon Espanyol – waxay si toos ah u bixiyeen lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa.

Hase yeeshee, heshiiskaasi wuxuu caro xooggan ka dhaliyay dhinaca Espanyol, iyadoo madaxweynihii hore ee kooxdaasi, Joan Collet, si kulul u dhaleeceeyay Garcia.

“Waa wax iga xanaajiyay inuu u wareego koox aan xifaaltanno, inkastoo uusan tartan ciyaareed naga dhaxeyn, hadana waa xafiiltan bulsho. Hab-dhaqankiisuna ma ahayn mid wanaagsan – wuxuu khiyaamay saaxiibadiis, tababareyaasha iyo taageerayaasha,” ayuu Collet ku yiri hadal uu siiyay warbaahinta.

Collet ayaa sii watay hadalkiisa isagoo xusay in Barca ahayd kooxda ugu dambeysa ee Espanyol ay doonayeen inay ciyaaryahan ka iibiyaan, gaar ahaan marka la eego xiriirka xun ee u dhexeeya labada kooxood iyo madaxweynaha Barcelona, Joan Laporta.

“Waxaa dawaaf-saday bahal – waa Laporta,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Collet.

Si kastaba ha ahaatee, dad badan waxay u arkaan in Joan Garcia uu kaliya raadinayo horumar xirfadiisa ah – isagoo hadda fursad u helaya inuu u ciyaaro koox Champions League ka ciyaarta halkii uu ku nagaan lahaa koox halis ugu jirta heerka labaad.

Ku biiristiisa Barcelona waxay sidoo kale fursad u tahay inuu muujiyo tayadiisa isla markaana gaadho heer sare oo uu u qalmo.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football