Florian Wirtz ayaa noqday ciyaaryahankii tobnaad ee taariikhda kubadda cagta lagu bixiyo lacag ka badan £100 milyan.
Xiddigan 22-jirka ah ayaa xilli ciyaareedka soo socda u ciyaari doona Liverpool, kaddib markii kooxda horyaalka Premier League ay ogolaatay inay Bayer Leverkusen siiso lacag dhan £100 milyan oo hor-dhac Ah.
Wirtz waxa uu noqonayaa:
- Xiddigii ugu qaalisanaa taariikhda Liverpool
- Ciyaaryahanka ugu qaalisan abid ee Jarmal ah
- Iibka ugu weyn ee abid ay samayso koox Bundesliga ah
Waxaa la filayaa in qiimaha Liverpool kusoo qaadan karo Wirtz uu gaaro £116 milyan haddii dhammaan qodobbada lagu daray heshiiska ay shaqeeyaan.
Liverpool waxa ay horey u heysatay:
Goolhayaha labaad ee ugu qaalisan caalamka – Alisson Becker
Difaaca dhexe ee labaad ee ugu qaalisan caalamka – Virgil van Dijk
🔟 ka Ciyaaryahan Ee Ugu Qaalisan Taariikhda kubadda cagta:
1. Neymar – £200m
2. Kylian Mbappe – £165.7m
3. Joao Felix – £113m
4. Enzo Fernandez – £107m
5. Antoine Griezmann – £107m
6. Philippe Coutinho – £105m
7. Declan Rice – £105m
8. Jack Grealish – £100m
9. Moises Caicedo – £100m
10. Florian Wirtz – £100m