William Gallas Oo Si Aan Gabasho Laheyn U Magacaabay Laacibka Ugu Halista Badan Chelsea

Xiddigii hore ee Chelsea, William Gallas, ayaa sheegay in khadka dhexe ee xulka England, Cole Palmer, uu xusuusiyay halyeyga Real Madrid ee Zinedine Zidane.

Gallas ayaa aaminsan in Palmer, oo ah ciyaaryahan weerarada kooxda dhisa, uu yahay mid aad muhiim ugu ah Chelsea isla markaana loo baahan yahay in si gaar ah loo ilaaliyo.

Wuxuu u sheegay Prime Casino :

“Cole Palmer wuxuu i xasuusinayaa Zinedine Zidane xilligii uu u ciyaarayay France, marka aad eegto sida uu muhiim ugu yahay kooxda.

Qof walba wuu ogaa in Zidane uu ahaa xiddiga ugu weyn, taasna waa sida Palmer u yahay kooxda hadda – waxay arrintiisa ku timaaday si dabiici ah, waana sababta loogu baahan yahay in la ilaaliyo.”

Palmer ayaa ka tegay Manchester City suuqii xagaaga ee 2023, markii ay cadaatay inuusan helaynin waqti ciyaareed ku filan. Isla markiiba wuxuu ka mid noqday xiddigaha ugu muhiimsan Chelsea.

Si kastaba, xiddiga reer England ayaa xilli ciyaareedkan liitay,isagoo saddex gool oo kaliya dhaliyay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football