Wiilka Arturo Vidal Oo Sabab Baraha Bulshada La Xiriirta Ku Kulmiyay Weeraryahanada MSN.

Waa riyo ay mar walba ku riyoodaan taageeraayaasha Barcelona iney dib isku helaan weeraryahanada MSN – Messi, Suarez & Neymar kuwaas oo kala tagay sanadkii 2017 markii xiddiga reer Brazil uu lacag rikoor ah ku aaday Paris Saint Germain.

Saddexdaan shaqsi mar kale ayey u midoobeen sidii ay cod ugu raadin lahaayeen wiilka yar ee Arturo Vidal “Monito” kaas oo caan ka ah Youtube-ka.

Wiilkaan wuxuu ku jiraa musharaxiinta abaalmarinta Copihue de Oro award taasoo la siiyo kanaalka ugu fiican ee youtube-ka dadka Chile, waana sheeko xiiso leh oo uu soo abaabulay Arturo Vidal.

Iyadoo loo marinayo Instagram-ka, Vidal Junior wuxuu helay codadka qaar ka mid ah ciyaartoyda ugu waaweyn Barcelona Messi, Suarez, Pique, Jordi Alba, Munir, Denis Suarez iyo saaxiibkood Neymar Junior.