Xiddigii hore ee Manchester United Paul Pogba ayaa si furan uga hadlay xanuunka uu la kulmay intii uu ku jiray ganaaxii la xiriiray kiiska maandooriyaha, isagoo si cadna u dhaleeceeyay kooxda Juventus inuu ka waayay garab istaag xilligiisii ugu adkaa.
Pogba ayaa la saaray ganaax afar sano ah bishii Febraayo 2024 kadib markii lagu helay dambiga adeegsiga maandooriyaha intii uu ka tirsanaa Juventus. Si kastaba, ganaaxaasi waxa loo dhimey 18 bilood kadib rafcaan uu qaatay, waxaana si rasmi ah loo buriyay heshiiskiisii Juventus, isagoo haatan lagu wado inuu si xor ah ugu biiro AS Monaco si uu ugu laabto garoomada.
Ka hor inta uusan ku biirin kooxda reer France, Pogba ayaa wareysi uu siiyay TF1’s Sept à Huit ku muujiyay sida uu uga niyad jabay hab-dhaqankii Juventus iyo sida uu u dareemay inuu keligiis la tacaalayay xaalad adag.
“Waxaan doonayay in Juventus ay iga caawiyaan – xitaa daaweyn ama tababare gaar ah – laakiin wax garab ah kama aanan helin. Waa wax aan la aqbali karin. Taasi si adag bay ii saameysay. Ma fahmin sababta. Anigu Juve dagaal kulama jirin, dagaalkaygu waxa uu ahaa arrin la xiriirta maandooriyaha.”
Pogba ayaa sidoo kale ka hadlay dareenka xanuunka badan ee uu la kulmay intii uu ganaaxa ku jiray: “Wax aanan filaynin ayaa igu dhacay. Wax walba si lama filaan ah ayaa layga qaaday. Afar sano ayaa ganaax la i saaray, anigoo aan si sax ah la iigu sharaxin wax, qofna i dhagaysan. Ganaaxa iyo sida laigu saaray… waxay igu ahayd shoog.”
Wuxuu sidoo kale shaaciyay in sababo la xiriira xaaladdaas ay qasab ka dhigtay inuu ka guuro Talyaaniga: “Carruurtayda waxay u dhowaayeen garoonka tababarka. Waxaan la ag mari jiray garoonka. Way adkayd. Ma aanan sii wadi karin. Marka aan ciyaareyn, carruurtaydu waxay i waydiin jireen: ‘Aabbe, goorma ayaad ciyaaraysaa? Goorma ayaan garoonka aadaynaa?’ Waxaan u sheegi jiray: ‘Goor dhow,’ inkasta oo aan ogaa in arrintu ay adkeyd.”
Paul Pogba ayaa hadda u arka Monaco fursad uu dib ugu bilaabi karo xirfadiisa, isagoo rajaynaya inuu bog cusub furo ciyaar ahaan iyo nolol ahaanba.