Liverpool ayaa durba heshiisyo cusub si degdeg ah ula saxiixatay xiddigaha muhiimka ah sida Salah iyo Van Dijk, waxaana hadda diiradda la saarayaa Luis Díaz.
Saxafiga reer Colombia, Pipe Sierra – oo ahaa qofkii ugu horreeyay ee shaaca ka qaada in Díaz uu ku biirayo Liverpool – ayaa sheegay in kooxda ay hadda si dhab ah u wado qorshe ay ku cusbooneysiineyso heshiiska xiddiga garabka weerarka ka ciyaara.
Sierra wuxuu yiri:
“Liverpool waxay hadda isku dayayaan inay cusbooneysiiyaan heshiiska Luis Díaz.”
Laakiin waxa uu intaas ku daray hadal dareen abuuray:
“Haddii heshiis laga gaari waayo arrintiisa, Liverpool diyaar ayay u noqoneysaa inay iibiso.”
Luis Díaz ayaa weli laba sano uga harsan heshiiskiisa hadda oo soconaya ilaa 2027, balse kooxda waxay rabtaa in la dhammeeyo arrintan kahor inta aysan wax muran ahi ka dhalan.
Taageerayaasha Liverpool ha digtoonaadeen: Haddii heshiis cusub lagu guulaysan waayo, Díaz wuu iska tagi karaa!