WEERAR: Halyeey Pele Oo Halkiisa Kasii Wada Bahdilaada Lionel Messi & Hadal Kale Oo Uu Saxaafada U Mariyay Oo Ka Cadhaysiin Kara Taagerayasha Kabtanka Barcelona.

Halyeeyga kubadda cagta Brazil ee Pele ayaa sii joogtaynaya bahdilaada uu dhawaanahan barta saxaafada u marinayo kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi oo uu dhawaan ku weeraray inuu yahay mid kartidiisu kaliya hal lug ku kooban tahay.

Haddiiba uu Pele hore u diiday in isaga lala bar-bardhigo Messi waxa uu markale si cad uga soo hor jeedsaday fikradaha mideeya Leo iyo Diego Maradona isaga oo aaminsan in Maradona uu yahay mid aad uga wanaagsanaa Messi.

El exfutbolista brasileño, Pelé.

“Sidee ayaad isbar-bardhig ugu samayn kartaan nin si fiican kubadda u madaxeeya, Si fiican kubadda ugu darbeeya lugta midig iyo bidixba iyo nin kale oo kaliya ku darbeeya hal lug, Kaliya awooda inuu lugtaas kusoo bandhigo xirfad  oo an kubadda ku dhammaystirin madaxa”

“Maradona waxa uu ahaa mid kamid ah kuwa ugu waaweyn taariikhda, Haddii aad i weydiisaan miyuu ka fiicnaa Messi, Kaddib HAA aad ayuu uga fiicnaa, Beckenbauer iyo Cruyff waxa ay sidoo kale ahaayeen ciyaartoy aad u fiican”

Markale Pele ayaa si xoogan uga hadlay dadka isaga la bar-bardhiga Messi isaga oo halkiisa kasii wata weerarka inuu Messi hal lug ku ciyaaro ayuu markale diiday tayada Messi.

“Sidee ayaad iyaga (Aniga iyo isaga) iskula bar-bardhigi kartaan?Si aad naftaada ula bar-bardhigto Pele waa inaad noqoto mid si fiican ugu darbeeya kubadda lugta midig iyo bidixba oo aad sidoo kale ku dhaliso madaxaaga”

1 Aragti ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. Cajiib oo cajaaibal qudra!!!

    Ninkii Pele ahaa sawtaa xaarka lagaga sii daayey. Ma waxaanu lafahiisa u baqanbaa mar hadii uu Messi recordkiisa gool dhalinta marba dhan u jiidhaayo. Ha iska badhaaciyo Pele xaqbuu u leeyahee meel uu libaax soo galay lo’i joogimeysee.

Comments are closed.