‘Waxaan U Dagaallamay Difaaca Sharafta Islaamka’ – Khabib Oo Ka Sheekeeyey Sidii Uu U Garaacay Feedhyahankii Diinta Islaamka Aflagaadeeyey Ee McGregor

Feedhyahanka Muslimka ah ee Khabib Nurmagomedov ayaa ka sheekeeyey sirtii ka dambaysay guushii weynayd ee uu ka gaadhay dagaalkii qarniga ee uu dhulka ugu tuuray bilowgiiba feedhyahanka u dhashay waddanka Ingiriiska ee Conor McGregor oo aflagaadeeyey diinta Islaamka ka hor intii aanu qabsoomin feedhku.

Khabib Nurmagomedov oo u dhashay waddanka Ruushka, laakiin ah Muslim si wanaagsan ugu dhaqma diinta Islaamka ayaa wareeggii afraad loo caleemo saaray guushaa markaas oo McGregor uu kaalmo degdeg ah weydiistay garsoorihii ciyaarta si looga qabto Khabib oo si mucjiso leh u dagaallamayey.

Haddaba, Khabib oo uu wehelinayo aabbihii ayaa qasriga madaxtooyada waddanka Ruushka waxa uu kula kulmay madaxweyne Putin oo khadka telefoonka kula soo hadlay markii uu guusha qaatay, waxaana uu uga sheekeeyey sababtii uu sida mucjisada leh ugu dagaallamay.

Khabib waxa uu tibaaxay in sirta dagaalkiisu ay ahayd saddex arrimood oo midka koowaad tahay inuu u dagaallamay sharafta diinta Islaamka, sharafta dalkiisa iyo sharafta qoyskiisa, kuwaas oo Conor McGregor uu wax ka sheegay intii aanu feedhku qabsoomin.

Dhinaca kale, Khabib Nurmagomedov ayaa ku hanjabay inuu gebi ahaanba ka fadhiisan doono feedhka, haddii maamulka tartanka feedhka ee UFC ay ganaax kusoo rogaan tababareyaashiisa oo qayb ka ahaa rabshad ka dhacday Las Vegas markii uu guusha qaatay Khabib.

Zubaira Tukhugov oo ka mid ahaa dadkii wax ku dhuftay McGregor intii ay rabshaddu socotay ayaa la sheegay in la ciqaabi doono.

“Go’aansada inaad isaga ganaaxdaan, anigana sidoo kale waad i waayi doontaan” Sidaas ayuu yidhi Khabib Nurmagomedov oo difaacayey Zubaira, waxaana uu carrabka ku adkeeyey inuu tirsanayo caddaalad darro, waxaanu yidhi: “Sidee ayaad kooxdayda u ciqaabi kartaan iyadoo labada kooxoodba dagaallameen?”

Dhinaca kale maamulka UFC ayaa Khabib ka joojiyey feedh qorshaysnaa oo uu la ciyaari lahaa Artem Lobov dhamaadka bishan October.

 

5 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

Comments are closed.