Waxaan Hubaa Inuu Ahaa Gool Sax Ah, Hal Gacan Ayuu Kubadda Ku Hayey – Goolkii Laga Diiday Arsenal Oo Qabsaday Baraha Bulshada

Afar gool oo ay iska dhaliyeen ayay Manchester United iyo Arsenal ku qaybsadeen dhibcaha kulankii xalay ka dhacay garoonka Old Trafford, kaas oo sidoo kale laga diiday gool ay Arsenal guusha ku heli lahayd.

Khalad uu sameeyey David de Gea ayaa sababay in Shkodran Mustafi uu u damaashaado goolka koowaad ee furitaanka ciyaarta, waxaase ay Gunners heleen mid labaad daqiiqaddii 68aad markii uu Lacazette ka faa’iidaystay khalad uu sameeyey Macos Rojo, hase yeeshee Man United ayaa ay badbaadiyeen Anthony Martial iyo Jesse Lingard, ciyaartuna waxay ku dhamaatay 2-2.

Daqiiqaddii 88aad ayaa uu Alexandre Lacazette ka dafay kubbadda goolhaye David de Gea, waxaana uu ku riixay goolka oo madhan, waxaana uu is dhigay orod uu ku damaashaadayey balsre garsoore Andre Marriner ayaa ka dhigay khalad maadaama uu u arkayay in De Gea uu labada gacmood ku hayey kubadda, isla markaana uu Lacazette ka madaxeeyey.

Arrintan ayaa si weyn loogu qaadaa-dhigay baraha bulshada gaar ahaan Twitterka, waxaana jamaahiirta oo dhawr jeer dib u daawaday falka dhacay, uu mid walba soo bandhigay wixii ay la ahayd, hase yeeshee in badan oo ka mid ah ayaa waxay tilmaameen inuu ahaa gool sax ah.

Hore way u dhacday in goolal la mid ah midka Arsenal dhalisay xalay la ogolaado oo koox ku qaadato saddexda dhibcood, balse maxaa keenay in Marriner uu Gunners ka hor joogsado guusha?

Su’aashan waxa ka jawaabay Phil Dowd oo ahaan jiray garsoore horyaalka Premier League ah, isla markaana kulamo badan oo adag soo qabtay, hase yeeshee xalay fadhiyey telefishanka BT Sports ee ciyaarta sii daayey.

“Ma garanayo waqtiga sharciga la beddelay, laakiin waxa loo tixgeliyey sidii uu si buuxda gacmihiisa ugu hayo kubadda. Haddii labada gacmood uu kubadda ku hayo oo si buuxda maamulkeeda uu u hayo, laguma qabsan karo, waxaanay noqonaysaa khalad.” Sidaas ayuu yidhi Phil Dowd.

Dhinaca kale, jamaahiirta oo falcelintooda bilaabay markii ay ciyaartu dhamaatay, ayaa waxa uu mid ka mid ah ku dooday inay ahayd gool sax ah oo garsooruhu caddaalad darro kaga eexday, balse waxaana aragtidaas ku waafaqay daraasiin kale oo Twitterka soo dhigay farriimo, halka qaar kalena ay soo bandhigeen caddaymo sharci oo garsooruhu u daliishaday inuu goolka diido.

“Si cad ayaan u hubaa in goolka Lacazette uu sax ahaa. Gacan kaliya ayuu De Gea kubadda ku hayay, mana taabanin isaga markii uu ka dafay” Sidaas waxa barta Twitterka mid ka mid ah dadkii daawaday ciyaarta.

Halkan ka akhriso farriimihii Twitterka ee lagaga falceliyey goolkaas: