Wataru Endo ayaa mar kale si cad u sheegay in uusan ka tagayn Liverpool xilli ciyaareedka soo socda, inkasta oo uu saftay kulamo xaddidan xilli ciyaareedkii tegay.
Endo ayaa la weydiiyay su’aal ku saabsan mustaqbalkiisa intii lagu jiray kulan su’aalo iyo jawaabo ah oo uu la yeeshay saxaafadda Japan.
Waxa uu ku jawaabay:
“Waxaan idhi waan joogayaa! Haddii kooxda ay i tiraahdo tag mooyee… waan joogayaa. Waxaan kooxda kula jiraa qandaraas. Go’aanka ugu dambeeya aniga ayaa iska leh. Marka guud ahaan, hadda waan joogayaa.”
Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay doonayso inay keento khad dhexe oo difaac ah oo cusub, balse waxaa jira arrimo mudnaanta leh oo ay tahay in ay horey uga shaqeeyaan. Kuwaas waxaa ka mid ah dhamaystirka heshiisyada Florian Wirtz iyo Milos Kerkez iyo xalka booska weeraryahanka No.9.
Tani waxay fursad siin kartaa Endo inuu weli qeyb ka ahaado qorshaha kooxda xilli ciyaareedka 2025/26, inkasta oo la filayo in doorarkiisu uusan ka ballaaranayn sidii uu ahaa xilli ciyaareedkii hore.
Cawaaa
616491699