Wargeysyada Faransiiska Oo Kashifay Sababta Paris Saint Germain Ku Qasbi Karta Iney Iibiyaan Neymar ama Mbappe.

Paris Saint Germain waxey heysataa weeraryahanada ugu qatarta badan qaaradda yurub, balse warbixino ka imaanaya Faransiiska waxey sheegayaan in mid ka mid ah xiddigaheeda ay iska iibin doonto si ay uga badbaado ciqaab kaga imaan karta xiriirka qaarada yurub ee UEFA.

Kooxda ka dhisan garoonka Parc des Princess ayaa si weyn kaga fakareysa xeerka dhaqaale wanaagga qaaradda yurub, waxaana laga yaabaa iney iska iibiso labada xiddig ee Neymar Junior ama Kylian Mbappe kuwaas oo xagaagii 2017 soo gaaray kooxda.

Wargeysk L’Equipe ee laga leeyahay dalka France ayaa baahiyay in kooxda difaacaneysa League 1-ka ay dooneyso iney hal xiddig u ogolaato inuu baxo iyadoo ay xusid mudan tahay iney Mbappe ku heleyso lacag aad u badan.

Manchester United waxey ka mid tahay kooxaha sida weyn u daneynaya iney lasoo saxixato Neymar Junior, balse wax walba waxey ku xirnaan doonaan waxa ay UEFA ku tiraahdo kooxda reer France isbuucyada soo aadan.

Si kastaba kooxda ka dhisan magaalada Paris durba jawaab ayey soo bixisay waxeyna soo saartay bayaan ay ku beenineyso warka uu qoray wargeyska, waxeyna qoreen.

“L’Equipe waa warbaahin gudbisa warar been abuur ah”

Waxeyna si weyn u baaniyeen wararka uu wargeyska sheegay oo ah iney doonayaan iibinta qaar ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan, waxaana laga yaabaa inuu xumaado xiriirka u dhaxeeya kooxda iyo wargeyska.