Wargeysk L’Equipe Oo Kashifay Koox Ka Dhisan Premier League Oo La Xiriirtay Xiddiga Baxsadka Ka Ah PSG Ee Adrien Rabiot.

Kooxaha qaaradda yurub ayaa si weyn ugu dagaalamaya xiddiga khadka dhexe Paris Saint Germain Adrien Rabiot kaas oo diiday inuu heshiis cusub saxiixo, xiddigaan reer France wuxuu ku adkeysanayaa inuu si xor ah uga dhaqaaqo magaalada Paris marka la gaaro bartamaha sanadka soo aadan.

Xiddigaan reer France heshiiska uu kooxdiisa kula joogo ayaa dhici doona dhamaadka fasalkaan, sidaas darteed kooxo badan oo yurub ka dhisan ayaa aad u hadal haya oo ay ugu weyn tahay Barcelona oo xagaagii laga soo gudbay isku dayday.

Paris Saint Germain wali xiddigaan kama quusan, waxeyna dooneysaa iney ku qanciso heshiis cusub inuu saxiixo, walow aan la fileyn inuu xiddiga ku qanci doono qorshaha ay kooxdiisa usoo bandhigeyso.

Si kastaba ha ahaatee kooxda Liverpool ayaa la xiriirtay Adrien Rabiot, balse wali lama hubo in Jurgen Klopp uu xiddig kale oo khadka dhexe ah ka dooni doono bisha January isagoo xagaagii laga soo gudbay lasoo saxiixday Naby Keita iyo Fabinho.

Wargeyska L’Equipe ayaa shaaca ka qaaday in xiddiga reer France [Rabiot] aad loo baadi goobayo, Barcelona ayaa aheyd kooxdii ugu horreysay ee lasoo xiriirtay, balse haatan Reds ayaa kusoo biirtay oo dooneysa iney suuqa lacago badan ku bixiso wakhtiyada soo aadan.