WARBIXIN: Saddexdii Arrimood Ee Manchester United Ka Caawiyey Inay Garaacday Juventus

Markii ay ciyaartu bilaabantay waxa muuqatay in Jose Mourinho aanu sidii kulankii hore ee garoonkiisa goolka dabada-gelinayn ee uu diyaar u yahay in ciyaartu noqoto mid furfuran oo kubadda la qaybsanayo.

Juventus ayaa qaybtii hore samaysay fursado badan oo ugu yaraan saddex ka mid ah ay ku dhawaadeen inay goolal noqdaan, balse dhamaantood waxay ku dhamaadeen in aanay gaadhin shabaqa uu sida adag u ilaaliyo goolhaye David de Gea illaa uu ugu dambayn Cristiano Ronaldo daqiiqaddii 65aad ka dhalinayey gool qurux badan oo uu hoggaanka ugu dhiibay naadigiisa, balse Juan Mata ayaa waxba kama jiraan ka dhigay farxadda Ronaldo iyo dabbaal-deggii uu calooshiisa u qaawiyey, kaddib markii uu gool qurux badan oo laag xor ah ahaa laga soo dhex-qaaday goolka Juventus, waxaana mid labaad raaciyey Ashley Young oo kubbad uu soo laagay uu madaxa sii taabsiiyey Fellaini ka hor intii aanay difaaca Juventus ku weecinin shabaqooda.

Ciyaartan ayaa ahayd mid fasamaysan oo labada tababare khibradooda iyo waayo-aragnimadooda ay adeegsadeen qaybtii dambe, waxaana ugu dambayn caddaatay in Mourinho uu ka sarreeyo Massimiliano Alegri.

Markii ay ciyaartu dhamaatay ayaa uu Mourinho bannaanka is keenay isagoo damaashaad ka cadhaysiiyey ciyaartoyga iyo taageereyaasha Juventus kusoo bandhigay gudaha garoonka, taas oo keentay in ciidamada ammaanku ay ka kexeeyaan ciyaaryahannada Juve oo isku xeeray iyagoo gadoodsan.

Haddaba, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa saddex arrimood oo sabab u ahaa in Manchester United ay guul ka gaadho Juventus iyadoo weliba marti ah.

3. Dayacaaddii Banayd ee Juventus ayaa ciyaarta siisay Manchester United

Fursado badan oo caddaan ah oo ay goolka la hor-tageen ciyaartooyada Juventus ayaanay ka faa’iidaysanin, haddii ay dhalin lahaayeena waqti hore ayaa ay Manchester United kala daadan lahayd, manay awooddeen inay soo laabato.

Sami Khedira ayaa u dhawaaday inuu goolka dhaliyo isagoo u jira 6 yard oo kaliya, waxaana mid kale khasaariyey Dybala oo sidoo kalena birta ka jaray kubbad uu goolhaye David de Gea hawaysan waayey, laakiin labadan oo kaliya may ahayn kuwa fursadaha lumiyey, waxaase ugu darnaa Pjanic iyo Cuadrado oo ay ahayd in lagu qoro liiska dhaliyeyaasha ciyaarta.

Marka laga yimaaddo goolka uu Cristiano Ronaldo dhaliyey daqiiqaddii 25aad ee qaybtii dambe iyo afarta fursadood ee Khedira, Dybala, Pjanic iyo Cuadrado, waxa kale oo jiray goolal kale oo ay Juventus dhashan karaysay.

Kasii Akhri Bogga 2