WARBIXIN: Juventus Oo Durba Isku Aadisay Qorshe Ay Kooxaha Man United & Barcelona Kaga Dulqaadeyso Xiddig Da’yar Oo Laga Wada Helay.

Kooxda Juventus ayaa lagu soo warramayaa iney durba isku aadisay qorshe ay dooneyso iney ku garaacdo kooxaha Barcelona & Man United kuwaas oo isha la raacaya daafaca da’da yar ee reer Holland Matthijs de Ligt.

Bianconerri oo xiriir wacan la leh wakiilka xiddigaan Mino Riola ayaa isku aadisay qorshe ay kula kulmeyso wakiilkaan si ay uga dhaadhiciyaan waxa ay ka damacsan yahiin xiddiga ka tirsan Ajax Amsterdam.

Kooxda ka dhisan magaalada Turin ayaa xiddigaan dhawr jeer lala xiriiriyay, waxaana xusid mudan inuu kusoo dalxiisay xiddigaan gudaha garoonkooda Juventus Allianz bishii June xilli ay uu yimid isagoo matalaya qarankiisa Netherland kulan saaxiibtinimo oo ay Italy la ciyaareen.

Agaasimaha ciyaaraha kooxda Juventus Fabio Paratici ayaa la filayaa inuu dhawaan la kulmo Mino Riola, waxeyna si wadajir ah ug wadahadli doonaan xaaladda xiddigaan iyo sida suuragalka ay ku tahay in la keeno Turin.

Lama filayo in Matthijs de Ligt uu qiimo raqiis ah ku yimaado horyaalada ugu waaweyn yurub, waxaana daba socda kooxaha Barcelona, Man United & kuwa kale oo ay ka mid tahay Paris Saint Germain.