WARBIXIN: Boosaska Kooxda Laga Xoojin Doono, Xiddigaha Boorsooyinka Xidh-Xidhan Kara & Faah-faahinta Gurmadka Uu Florentino Perez Kusoo Celinayo Real Madrid Suuqa January

Kooxda Real Madrid ayaa xilli ciyaareedkan dhibaato weyn mudanaysa walow ay dhawaanahan u muuqato mid kasoo kabanaysa nabaradii soo gaadhay haddana waxa wali sii muuqda raadka maalmihii adkaa ee tababare Julen Lopetegui lasoo maray kooxda.

Iyadoo uu tababare Santiago Solari sugayo in haatan si rasmi ah gacanta loogu soo geliyo booska tababarenimo ee Madrid haddana qorshayasha suuqa January ayaa ah kuwo xilli horeba la dhigay iyadoo ay shabakada Marca ku warramayso inay jiri doonaan dhaq-dhaqaaqyo xoogani.

Ugu horreyn, Los Blancos ayaa la fahamsan yahay inay xiiso weyn u qabto saxeexa daafaca kooxda Espanyol ee Mario Hermoso oo wacdaro dhigaya xilli ciyaareedkan kana dhigay kooxda caasimada Spain kuwo ku darsada xiddigaha ay maanka ku hayaan suuqa January.

23 jirkan ayaa ah mid aad u xoogan isla markaana horumar weyn samaynaya maadaama oo uu kasbaday kalsoonida tababare Luis Enrique oo uga yeedhay xulka qaranka Spain ee dhawaan dheeli doona kulamada caalamiga ah.

Sidoo kale, Madaxda kooxda ayaa la fahamsan yahay inay ka fikirayaan saxeexa burburiye cusub oo khadka dhexe ah maadaama oo uusan Casemiro haatan ku jirin qaab ciyaareedkiisa ugu fiican, Madrid ayaa maanka ku haysa saxeexa burburiye loolan ka sameeya booska khadka dhexe ee daafaca raacsan.

Xiddigaha da’yarta ah ee Llorente iyo Valverde ayaa sidoo kale la filayaa inay kooxda kaga baxan qaab amaah ah maadaama oo aysan haysan kalsoonida tababaraha cusub ee Santiago Solari.

Goolhayaha la iloobay ee Kiko Casilla ayaa sidoo kale iskaga bixi kara Estadio Santiago Bernabeu maadaama oo uu noqday shaqsi ay muquuniyeen Thibaut Courtois iyo Keylor Navas.

Ugu dambayn, Kooxda ayaa sidoo kale samayn karta saxeexa weeraryahan dhexe iyadoo uu hoos u dhac weyni ka muuqdo safka weerarka, Xiddiga sida aadka ah loola xidhiidhinayo ayaana ah Mauro Icardi oo Inter Milan ka tirsan.