WAR DAG DAG AH :Nigeria ayaa garaacday Ghana si ay ula kulanto Jamaica final-ka

Tababaraha xulka Super Eagles, Eric Challe, ayaa ka hor inta aysan ciyaartu bilaaban sheegay in uu doonayo in ciyaartan iyo saaxiibtinimada bisha soo socota ee ay la ciyaari doonaan Russia uu u adeegsado diyaarinta isreebreebka Koobka Adduunka ee harsan.

Challe waxa uu helay natiijada uu doonayay, balse waxaa laga yaabaa in uu dareemo walaac ku saabsan qeybtii labaad ee ciyaarta, kadib markii kooxdiisa khibradda badan leh ee Nigeria ay ku dhowaadeen inay lumiyaan hoggaan laba gool ah oo ay horay u heleen, iyadoo Ghana si xooggan u dagaalantay.

Iyadoo ciyaartoy muhiim ah sida Alex Iwobi, Ola Aina, Ademola Lookman, iyo gaar ahaan Victor Osimhen la nasiyay, waxa ay fursad heleen ciyaartoy badan oo gudaha Nigeria ka ciyaara iyo sidoo kale Cyriel Dessers.

Weeraryahanka kooxda Rangers, Dessers, waxa uu si fiican uga faa’iideystay fursaddiisa isagoo jebiyay is barbar yaalkii daqiiqadihii ugu horeeyay ee ciyaarta. Balse inta badan amaanta goolkaas waxay mudan tahay Ismaila Sodiq.

Sodiq oo ka soo cararay garabka midig, ayaa baas qurux badan u dhigay Dessers kaas oo kubadda hal taabasho iskaga saaray difaacyada, kadibna si xooggan u dhaliyay.

Daqiiqado kaddib, Nigeria ayaa heshay goolkeedii labaad markii madax uu ku dhuftay Seyi Ajayi uu ku dhacay Razak Simpson oo iska dhaliyay gool (own goal). Ka hor inta aysan qeybta hore dhamaan, goolhaye Benjamin Asare ayaa sameeyay badbaadin cajiib ah, sidoo kalena waxaa la helay kubad xariiqda laga bixiyay taas oo diiday Wilfred Ndidi inuu dhaliyo goolkii saddexaad.

Waxaa mudan in Ghana lagu amaano dadaalkooda qeybtii labaad ee ciyaarta, iyadoo ciyaaryahanka beddelka ku yimid ee Brandon Thomas-Asante uu dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee caalami ah 20 daqiiqo ka hor dhammaadka ciyaarta.

Caleb Yirenkyi ayaa dadaal badan sameeyay si uu gool ugu dhaliyo Ghana kulankiisii ugu horeeyay, halka Abu Francis laga hor istaagay inuu helo goolka barbaraha kadib markii Stanley Nwabali sameeyay badbaadin layaab leh.

Nigeria ayaa ugu dambeyn guusha haystay ilaa dhamaadka, taasoo keentay in ay wajahayaan Jamaica Sabtida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football