WAR CUSUB: “Gurigayga Ayay Dab Qabadsiiyeen Iyadoo Waalidkaygu Gudaha Ku Jiro” – Halyeey Qiso Lama Arag Ahi Kubadda Cagta Ku Qabsatay & Xusuustii Uu Dib U Gocday.

Xiddigii hore ee xulka Argentina ee Óscar Ruggeri ahna xiddig hal sano usoo ciyaaray kooxda Real Madrid (1989 ilaa 1990) ayaa maalinimadii Salaasada toddobaadkan waraysi siiyay cod baahiyaha dalka Spain kahor kulanka xiisaha badan ee u dhaxayn doona kooxaha River Plate iyo Boca Juniors.

Qalalaasihii ka dhacay caasimada Argentina ee Beunos Aires kahor lugta labaa ee Final-ka Copa Libertadores ayaa dhaliyay in kulankan laga soo wareejiyo gabi ahaanba dalka Argentina isla markaana la keeno Estadio Santiago Bernabeu.

El exjugador argentino, Óscar Ruggeri.

Haddaba, Ruggeri oo ah xiddig hore usoo wada maray labadan kooxood ee kasoo wada jeeda caasimada Beunos Aires ayaa dib u gocday dhacdo argagax leh oo ay kula kaceen budhcad jamaahiir u ah kooxda Boca Juniors.

Budhcadan oo magacooda loo yaqaan Barras Bravas ayaa gabi ahaanba dab qabadsiiyay guriga Ruggeri oo ay waliba gudaha ugu jiraan waalidka dhalay isaga waxaana uu sababta ku sheegay inuu kasoo tagay kooxdooda oo uu ku biiray kooxda River Plate.

Oscar Ruggeri ayaa yidhi “Waxaan usoo ciyaaray River iyo Boca waxaanan labada kooxoodba kusoo qaatay wakhti cajiib ah, Markii aan ka tagay Bocca ee aan tagay River, Dab ayay qabadsiiyeen gurigayga iyadoo waalidkay guriga ku jiro”

Intaa kaddib Ruggeri ayaa sheegay in budhcadani yihiin kuwo qofka dalab hordhiga haddii uu fulin waayana qoyskiisa dhibaateeya waxaana uu intaa ku daray inuu si geesinimo leh u wajahay madaxa kooxdaas horkacayay una sheegay

“Markii ay gubeen guriga waan u tagay si aan u arko madaxa Boca Barras Bravas, Isaga ayaan wajahay sababtoo ah isaga ayaa waxkasta xakamaynayay waxaanan u sheegay inay tahay wixii ugu dambeeyay ee aan u dulqaadanayo”