Wakiilka Yahuudiga Ah Ee Cuuryaamiyay Barcelona Kana Diray Neymar Jr Ayaa Isku Dayay Inuu Xiddig Muhiim Ah Keeno Real Madrid.

Pinhas “Pini” Zahavi waa shaqsi kasoo jeeda wadanka Isreal balse qarnigaan si fiican ula falgalay kubadda cagta heer walba, waa shaqsi door muhiim ah kulahaa in Chelsea uu la wareego Roman Abramovich, sidoo kalana wuxuu lugta kula jiray heshiiskii muranka dhaliyay ee Ashley Cole ka kaxeeyay kooxda Arsenal.

Wuxuu sidoo kale cuuryaamiyay kooxda Barcelona maadaama uu ka kaxeeyay Neymar Junior kaas oo sanadkii lasoo dhaafay adduun dhan 222 Malyan oo Yuuro ku aaday kooxda Paris Saint Germain.

76-jirkaan wuxuu mar kale isku dayay inuu cuuryaamiyo Bayern Munich isla markaana uu ka kaxeeyo xiddigooda weerarka Robert Lewandowski kaas uu la damacsanaa inuu geeyo Real Madrid.

Sida lagu sharraxay wargeyska Der Speigel ee laga leeyahay dalka Jarmalka, Maik Barthel oo ah wakiilka xiddigaan reer Poland ayaa Zahavi kula kulmay Hotel-ka Ritz-Carlton ee ku yaala magaalada Vienna.

Wuxuu kala hadlay qorshe ku saabsan in Roberto Lewandowski laga dhigo mid xor ah iyadoo markaas uu xiddigii hore Borrusia Dortmund aad u doonayay inuu ka baxo kooxda.

Xiddigaan heerka caalami ma lahan heshiis lagu jabin karo qandaraaskiisa, waxaana jirta soo jeedin u timid Bayern Munich balse wey diiday kooxdaan iney wadahadal ka gasho arrintaan.

1 Aragti ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. Hhh hadaad barca tagerto maaha inaad dadka waxad rapto uzo gudpizo aflagadadna daay waa idinku ceepe

Comments are closed.